Dekedda MUQDISHO oo lala wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay Dekeda Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta Maamulkeeda loogu wareejiyay shirkadda Albairak, oo ah shirkad laga lee yahay dalka Turkiga.

Munaasabada waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin ka kala socdo Dowladaha Somaliya iyo Turkiga, iyadoo shirkadaan ay Dekeda ka hirgelin doonto dhismooyinka casri lagu sheegay.

Wasiirka Gaadiidka iyo Badda ee Xukuumada Somaliya Yuusuf Macalin Amiin (Baadiyow) oo munaasabada ka hadlay, ayaa waxa uu kaga dhawaaqay in Dowladd Somaliya ay Maamulka Dekeda ku wareejisay shirkadda laga lee yahay Turkiga.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in shirkadaan ay gacanta ku hayn doonto Dekeda Magaalada Muqdisho mustaqbalka dhow, isla-markaana ay ka hirgelin doonto dhismooyinka casri ah.

Wuxuu kaloo sheegay in dhaqaalaha ka soo xaroodo Dekeda ay 55% lee dahay Dowladda Somaliya, halka 45% ay qaadaneyso shirkadda laga lee yahay dalka Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

Masuuliyiintii ka socotay Turkiga waxay soo dhaweysay heshiiska ay Dowladda Somaliya ugu soo wareejineyso Dekeda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan kuma cadda mudada uu qaadan doono, marka laga soo taggo sida loo kala qaybsanaayo dhaqaalaha iyo in Dekeda lagu horumarinaayo waqti gaaban.

Isha: Dhacdo.com