Tarsan oo ka shanqariyay arrin walaac leh oo ay DF iska indha sarcaadineyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Mohamud Ahmed Nur Tarsan, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inuu aad uga walwalsan yahay xiligaani damaca Dowlada Kenya ee ku aadan Badda Somalia.

Tarsan oo qoraal uu arrintaasi uga hadlaayay soo saaray, ayaa waxa uu sheegay inay u muuqato in Dowlada Federaalka Somalia, ay muujineyso habacsanaan ku aadan bad-baadinta Biyaha Somalia, waxa uuna Tilmaamay in Dowlada Kenya ay ka diyaar garowday in lagu qabsado Biyaha.

Tarsan oo arrintaasi ka hadlaayo ayaa waxa uu yiri ‘’Waxaan maqalnay in Kenya ay u xulatey Biyaha Somalia khabiiro ku xeeldheer shuruucda badda oo caalami ah si ay u metelaan arinta ku saabsan khilaafka badda ee kala dhexeeya Somalia. Arintaas ayada ah Somalia ma ka diyaargarowdey oo ma xulatey khabiiro, haddii ay dhacdo in Somalia ay weyso Khabiir u dooda dhaliisheeda DFS ayay usoo hoyaneysaa’’

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri ‘’Qof kasta waa garan karaa in Somalia ay xaqleedahay, laakin maxkamadu kuma hadlayso oo waxay dhegeysani dadka meesha ka doodaya. Horey ayey Somaalidu ugu maahmaahdey ” Qof hadal badan dhaxalkaa waa ku dhaafiyaa” ama sida loo dhahay. Marka arintaan inta aan maxkamada caalamiga aan la geynin ma laga fekeray waxa ka soo bixikara ayada oo la tixgelinhayo xaaladda uu qarankeenu ku suganyahay. Waxaa kale oon ogsoonahay in go’aanka maxkamadu uu yahay kama dambays. Waxaan codsan lahaa hadii ay jiraan khubaro Somaaliyeed oo arintaan aqoon u leh in ay wax ka sheegaan si ay ummadu u fahamto waxa dabka saaran’’

Haddalka Tarsan ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo ay Dowlada Kenya sheegtay inay ku dhaqaaqi doonto u doodida xuquuqda Badda, gaar ahaan qeybta lagu heysto.

Dhanka kale, Kenya ayaa ka baaran dageysa in Beesha Caalamku ay u xagliyaan Somalia, waxa ayna taasi sababteedu noqoneysa Dowlada Somalia oo u muuqaneyso inay Kenya kula gashay Badda heshiis balse ay is ilowsiineyso.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com