Xaqiiqooyinka weli kaa qarsoon sanad kaddib weerarkii West Gate ee Nairobi

Inkasta oo hal sano ay ka soo wareegtay markii weerarka argagixiso lagu qaaday Suuqa Westgate kaasoo galaaftay nolosha 67 qof muwaadiniinta ku nool daafaha Kenyana baday xalaad argagax ah, ayaa haddana wali waxa taagan su’aalo muhiim ah, iyada oo in badan oo kuwii badbaaday ahna ayan noloshoodu ku soo naqan xaaladdii caadiga aheeyd.

Rachel Wambui Muraya, oo ah 30-jir timaha qurxisa oo ka shaqeeyn jirtay suuqa, ayaa leh waxan si buuxda u xasuustaa dhacdooyinkii arrin ku bilaabay Sabti xasilloon 21-kii September, 2013-kii, sida iyada oo aan wax wakhti ah ka soo wareegin.

Muraya, ayaa waxaa haleelay bam-gacmeed intii uu socday weerarka iyada oo u cararaysa goobta la dhigto baabuurta oo ku taal dabaqa labaad ee suuqa.

“Waxan ku dhacay goobta baabuurta la dhigto, waxan kor u qaaday madaxa markaas baan waxan arkay bam-gacmeed ku soo dhacay meel hortayda ah kaasoo markiiba qarxay. Xanuun badan ayaan dareemay kadib markii firirku haleelay lugteeyda bidix,” ayay tiri. “Taa waxa ii xigay oo aan xasuustaa waa anoo ka soo toosay sariir isbitaal anoo ka dhaawacan lugta bidix, taasoo markii dambe ay noqotay in la jaro.”

“Maalmahaan, waxa ii xiran lug sanaaci ah oo ma xirto kabihii taakada dheeraa,” ayay tiri.

“Waan iska daayay in aan si joogto ah u aado suuqyada cabsi darteed iyada oo dhawaq walba oo agteeyda ka yeera igu celiyo xusuustii xumeeyd ee maalintaa. Tan iyo markaa ma dareemo in aan ammaan ahay mana jiro wax dadaal ah oo ay xukuumaddu ka sameeyso sidii aan u dareemi lahaa ammaan sida ka badan oo uu ammaankeennu sugan yahay,” ayay tiri.

Arjun Kholi, oo ah qaban-qaabiyaha bandhigga, ayaa sheegay in uu rajaynayo in bandhiggu siin doono dadka badbaaday qaab ay dadka kale kula wadaagaan khibraddoodii isla markaana uga tallaabsadaan cabsida ay qabaan, laakiin sidoo kalena in uu dhammaan Kenyanka siiyo fursad ay si wadajir ah u xusuustaan duruustii laga bartay maalintaa.

“Ma aynaan haysan meel khaas ah halkaa oo dadku tagi karaan isagana fududeeyn karaan wixii ay soo mareen waxanan rajaynaynaa in badhiggani uu dadka badbaaday siin doono madal ay uga sheekeeyn karaan sheekooyinkooda dadkana kula wadaagi karaan khibradahooda,” ayuu yiri.

“Haddaannu nahay muwaadiniinta Kenya, waa in aynaan oggolaan in afar maalmood oo ah go’doomin laga dhex sameeyay caasimaddeenna qaranka, in ay iska gudubto iyada oo aan si macna leh looga wadahadal,” ayuu Kholi ku yiri hadal uu soo saaray.

Baaqyo ammaanka lagu sii xoojinayo

Xoghayaha Guud ee Ururka Shaqaalaha Ilaalada Khaaska ah ee Ammaanka ee Kenya Isaac Andabwa ayaa sheegay in casharro muhiim ah laga bartay weerarkii suuqa Westgate.

“Markii hore marna kuma aynaan fakarin in weerar caynkaa ah lagu qaadi karo meel illaa iyo heerkaas muhiim ah, laakiin waxan ku waabariisannay in meel walba oo Kenya ah ay halis ku jirto sidaa darteed waxan marwlaba ku tababarnaa kuna adkeeynaa ilaaladaas in ay feejignaadaan oo ayan marna arrimaha fududeeysan,” ayuu sheegay.

Haddii ay hubeeysnaan lahaayeen ilaalada khaaska ah ee fadhiyay suuqa oo xiriirka iyo isla jaan-qaadka ka dhexeeya ilaalada ammaanka khaaska ah iyo bilayskana uu intaa ka wanaagsanaan lahaa intii uu socday weerarka taasi waxay gacan ka geeysan laheeyd in la badbaadiyo nolosha dad kale oo intaa ka badan, ayuu sheegay.

“Haddii ilaalada ammaanka khaaska ah ay xirnaan lahaayeen jaakadaha ayan karin rasaasta isla markaana ay hubeeysanaan lahaayeen waxay noqon lahaayeen safka ugu horreeya ee difaaca, laakiin ma hubeeysneeyn sidaa darteed waxba islama heeyn,” ayuu yiri. “Waxan ku baaqnay in dhammaan shirkadaha ammaanka ee Kenya ay shaqaalahooda u soo gadaan jaakadaha ayan karin rasaasta waxan sidoo kalena hadda ka dhex ololeeynaynaa dawladda in ay ansixiso sharci oggolaanaya in la hubeeyo qaar ka mida ilaalada ammaanka [khaaska ah],” ayuu yiri.

Intaa waxa dheer, Andabwa waxa uu sheegayaa in ururka shaqaaluhu kala shaqeeynayo bilayska sidii loo bili lahaa iskaashiga si markaa loo helo jawaab “ka degdeg badan kana qorsheeysan” haddiiba uu dhaco weerar.

Si taa la mida, Michael Mbugua, oo maamula Suuqa Maasai ee Ongata Rongai, oo ku yaal duleedka Nairobi, ayaa weerarka kadib waxa uu sheegay, in dhammaan shaqaalaha suuqyadu ay xoojiyeen ammaanka goobahooda sifo loo sugo ammaanka dadweynaha.

“Si la mida dhammaan suuqyada kale, [go’doominitii Westgate] waxay na bartay casharro. Waxan ku khasbanaanay in aan rakibno kamaradaha ammaanka iyo qalab kale oo isgaarsiineed iyada oo aan sidoo kale biloownay in aan baaritaan wanaagsan ku sameeyno dhammaan dadka galaya iyo kuwa kasoo baxaya dhismaheenna,” ayuu yiri. “Tani waxay naga caawisay in aan hagaajinno ammaanka oo aan siinno macaamiisheenna kalsooni ay ku soo booqan karaan suuqeenna.”

Laakiin Mary Mwenda, oo ah 32-jir ku nool Nairobi, waxay sheegtay in ay wali shaki ka qabto in ciidamada ammaanka Kenya iyo ilaalada khaaska ah ee suuqyadu ay qaadeen tallaabooyinka waafiga ah ee looga baahan yahay in si nool looga jawaabo weerarrada kale.

“Inkasta oo ay xukuumaddu si joogto ah u ballan-qaddo in ay jiraan ciidamo ammaan oo muuqda iyo kuwo qarsoon, haddana kama dukaameeysto suuqyada maalmaha fasaxa toddobaadka sababtoo ah saxmadda dadka dukaameeysanaya,” ayay tiri.

“Waxa suuragal ah in argagixisadu mar kale ay qaab kale oo weerar rasaaseeyn ah isaga soo qaaddo marka ay saxmaddu is qabsato dadkuna ay is dhigtaan,” ayay raacisay.

Mwenda waxay sheegtay in loo baahan yahay in goobaha caamka ah la geeyo bilays aad u badan sifo kor loogu qaado kalsoonida dadweynaha isla markaana loo cabsi-galiyo argagixisida iman karta. “Taa ka sokoow, waxa loo baahan yahay qaab layli ammaan ah sida in la daadgureeyo dadka isla markaana si cad loo calaamadiyo goobaha sida degdegga ah looga baxo,” ayay tiri.

Su’aalo aan laga jawaabin

Abdiwahab Sheikh Abdisamad, oo Jaamacadda Kenyatta ka dhiga ammaanka iyo daraasaadka istaraatiijiga ah, ayaa sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate, aan wali su’aalo badan jawaab loo helin iyada oo goobaha caamka ahna ay wali baylahsan yihiin.

“Ma jirto waxa aan ku muujin karno ama ku xaqiijin karno in aan cashar ka barannay weerarka. Dalku wali halis ayuu ku jiraa xagjiriintuna wali waxay awood u leeyihiin in ay u soo qaadaan weerar kale oo foolxun sida kii ay ka sameeyeen Westgate waliba si fudud iyo gabasho yar,” ayuu sheegay.

Waxa uu sheegay in ay adag tahay in dhacdadaas cashar laga barto sababtoo ah ma jirin wax su’aala ah oo la iska waydiiyay dhacdadii maalintaa.

Maalmo kadib weerarka, ayuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta waxa uu ballan-qaaday in uu dhisi doono komishin xaqiiqo raadin ah oo soo baara weerarka iyo sidii ay uga jawaabeen ciidamada ammaanka, si kastaba ha ahaatee, komishankaa waligii lama dhisin.

“Baaritaan lagu sameeyo weerarka waxa uu dalka ka caawin karay in uu jawaabo u helo wixii dhacay iyo sidoo kale talooyin ku aaddan sidii horay loogu socon lahaa. Taasi waxa ay gacan ka geeysan kartay in la helo qaababkii loola tacaamuli lahaa halisaha soo aaddan,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay in hay’adaha ammaanku ayan wax isbaddal ah ku sameeyn sidii ay uga jawaabi lahaayeen weerar caynkaa oo kale ah.

Mercy Mwai, oo ah 36-jir, ilaalo ammaan ka ah Suuqa Thika Road ee Nairobi, ayaa ku eedeeysay madaxweynaha in uunan ka soo bixin ballankiisii uu u sameeyay Kenyaanka iyo in uu dhiso komishankii xaqiiqo raadinta oo baari lahaa weerarka.

“Waxan ka naxay in aan wax tallaabo ah la qaadin taasina waxa ay dadweynaha gayaysiinaysaa in ay is waydiiyaan bal in madaxweynuhu helay xog xasaasi ah oo uunan dooneeyn in uu la wadaago dadweynaha ama uu difaacayo ciidamadii ammaanka ee kharribay gabi ahaanba howlgalkii badbaadada,” ayuu yiri.

Shaqada komishanka waxay ahaan laheeyd muhiim sababtoo ah waxay iftiimin laheeyd khaladkii ammaan ee keenay weerarka lagu hoobtay iyo sidii ay uga jawaabeen ciidamada ammaanku isla markaana lagu saxo wixii khaldamay.

Faith Mbaya, oo ah 25-jir maamule iib ka ah Nairobi, ayaa arrinka gaarsiisay in sannad kadib weerarkii ayan Kenyanku la socon dhab ahaan tirada argagixisadii weerarka soo qaadday.

“Xukuumaddu waxay noo sheegtay in ay dishay afar argagixiso iyo in maydkoodii loo dhiibay Xafiiska Baarista Dambiyada si loogu sameeyo baaritaan daqiiq ah iyo taxliilin, laakiin ku dhawaad sannad kadib marna maynaan arag maydkii mana aynaan maqal natiijadii ka soo baxday,” ayay ku cabatay.

Xukuumaddu sidoo kale marna sharraxaad kama bixin sababta loo burburiyay suuqa. “Maxay u bambeeyeen dhismaha iyo maxaanan argagixisada looga takhallusin si suuqa casriga ah uga badbaado burburka? Waxay aheeyd dharbaaxo ku dhacday dhaqaalaha keentayna in ay shaqado waayaan Kenyankii halkaa ka shaqeeyn jiray,” ayay tiri.

Isha: Sabahi Online