KENYA oo garyaqaanno CAALAMI ah u qabsatay kiiska badda (SOMALIA-NA?)

Nairobi (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Kenya Githu Muigai, ayaa isku habeeyey koox qareenno caalami ah oo qaabilsan badda, si ay uga difaacaan dacwadda ay dowladda Somalia u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladdda, taasi oo looga hortagayo boobka Kenya ee badda Somalia.

Dowladda Somalia, ayaa 28-kii bishii August waxa ay maxkamadda International Court of Justice ee magaalada Hague u gudbisay dacwad ku saabsan in go’aan laga gaaro qaabka ay u dhigmeyso caalamadda xadka badda ee labada dal.

Somalia ayaa dooneysa, in calaamadda noqoto mid ku teedsan xadka dhulka oo toos ah ama xagal 90-aad, halka Kenya ay dooneyso in loo soo qaloociyo dhinaca Somalia, ama xagal 0.45-aad, taasi oo ay ku heli karto dhul badeed kheyraad uu ka buuxo.

Prof. Muigai, ayaa sheegay in qareenada Kenya ay isugu jiraan kuwa caalami ah iyo kuwa dalkaas u dhashay, si looga difaaco kiiska, kadib markii baarlamanka Somalia uu diiday heshiis ay horey u galeen Kenya iyo koox ay ka mid ah ahaayeen Cumar Cabdirashiid, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, Ibbi iyo Shariif Xasan, oo badda Somalia lagu iibsaday.

“Kullan horudhac ah oo arrintan ku saabsan ayaa maxkamadda ICJ waxa ay yeelaneysaa dhammaadka toddobaadkan, waana u diyaar garoobeynaa” ayuu yiri Muigai.

Kenya ayaa lumin doonta 7 block oo ay horey heshiisyadooda u bixisay, si shidaal looga baaro, haddii sida la filayo kiiska looga adkaado.

Muigai ayaa sheegay in inta kiiska uu socdo ay sidoo kale dowladda Somalia la gali doonaan wada-hadallo diblomaasiyadeed.

“Annaga waxaan door bideynaa in wada-hadal lagu dhammeeyo arrnta” ayuu yiri Muigai.

Illaa iyo hadda ma cadda qorshaha dowladda Somalia, iyo garyaqaanadda ay kiiska u adeegsan doonto.

Go’aan kasta oo ay gaarto maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxa uu noqon doonaa mid kama dambeys ah, oo aan abid dib loogu laaban.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com