Cali Mahdi oo 8 February, kadib ka digay hal arrin

Muqdisho Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Mahdi Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Soomaali Cable ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Cali Mahdi ayaa marka hore ka digay in dalka dib loogu celiyo bur-bur iyo dagaallo sokeeye, wuxuuna shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in la sameeyo tanaasul.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray, haddii aysan dowladda federaalka qaban doorasho loo dhan yahay, ka hor sideeda February inay dhaceyso wax uu ku sheegay balaayo.

“Maxaa jira dadka, haddii ay wada simaan balaayo ayaa dhaceysa, waan rajeynayaa illaa heerkaas in aan la’isla gaarin,” ayuu yiri madaxweyne hore Cali Mahdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Waan rajeynaa inuu madaxweynaha dib u fakiro oo caqligiisa dib u fiiriyo oo la-taliyeyaal fiican suubsado inay meeshaas arrintu gaarin oo xaliyo, waxa la’isku qabanaayo waa wax saacad ama laba saac ku dhammaan karo,”.

Dhinaca kale Cali Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka 2021-ka, iyada oo ay maqan yihiin maamullada Jubbaland iyo Puntland oo weli tabasho ka muujinayo doorashada dalka.

Cali Mahdi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay, haddii tallaabadaas la qaado in ay dalka u horseedeyso inuu dib ugu noqdo meeshii laga yimid & in lagu kala tago qaranka.

“Haddii taasi dhacdo waxaan ka faa’iideynaa qaran Soomaali oo dambo iyo magac Soomaali oo dambo maalintaas ayaa ugu ekaaneyso nin walba wuxuu ku noqonayaa tuuladii uu ka yimid qabiilkiisa uu Calan u saaranayaa qaran Soomaaliyeedna cid dambe oo dhisi kareyso haba yaraatee ma jirto 1991-dii waxaan ka soo maray anaa og,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana uu khilaaf xoogan ka taagan yahay doorashada dalka ee 2021-ka.