Xog ku saabsan qaraxii ka dhacay Tixsiile iyo Shabaab oo war kasoo saaray

Afgooye (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax gobolka Shabeellada Hoose lagula eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil Soomaali iyo ajaanib isagu jirta iyo guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabduqaadir Siidii.

Gaadiidkaas oo ka baxay degmada Afgooye, isla markaana ku sii jeeday dhanka saldhigga Ballidoogle ayaa qarax lagula beegsaday deegaanka Tixsiile, waxaana lagu soo werinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha ciidanka Danab, Gaashaanle Axmed Cabdullahi Nuur Beeryare, sida ay noo sheegeen ilo dhanka ammaanka ah.

Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa soo werisay dilka afar askari iyo dhaawaca taliyaha ciidamada gaarka ah ee Danab iyo sarkaal kale, balse illaa hadda ma jiro war madaxbannaan oo xaqiijinaya sheegada Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa deegaanka Tixsiile qarax kula beegsaday gaari ay la socdeen Maleeshiyaadka Mareykanku tababaray, xogta hordhaca ah waxay xaqiijinaysaa dhimashada 4 Askari halka uu dhaawacyo garaab ah soo gaareen  saraakiil uu kamid yahay taliyaha waxa loogu yeero Danab oo lagu magacaabo Beer Yare” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al -Shabaab.

Illo ku dhawdhaw milatariga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dhaawac fudud uu soo gaaray taliyaha ciidamada Danab Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur “Beeryare” iyo sarkaal kale, balse ay badqabaan gudoomiyaha gobolka iyo ciidankii kale ee la socday kolonyada.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dhaawaca saakay waabarigii loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya si loola tacaalo dhaawaca soo gaaray taliyaha ciidanka gaarka ah ee Danab.

Beeryare oo horay ula soo shaqeeyay saraakiishii Ahlusunna ee goboladda dhexe ayaa October 2020, waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka gaarka ah ee Danab ka dib markii xilka laga qaaday taliyihii ka horeeyay ee ciidankaasi Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Macalin oo xilkaasi hayey muddo ka yar sannad.