Xog: Madaxweynaha Oromia iyo taliyaha ciidanka Itoobiya oo si qarsoodi ah u yimid Muqdisho iyo Ujeedkooda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha kilinka Oromia iyo taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay booqasho qarsoodi ah ku yimaadeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Shimelis Abdisa iyo Major General Berhanu Jula ayaa safar aan la shaacin oo qarsoodi ah ku yimid Muqdisho 15-kii bishan iyaga oo lagu waramayo iney kulan la qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Wafdigaan ayaa madaxweyne Farmaajo kala hadlay xaaladda dalka, doorashooyinka, ciidanka Itoobiya ka jooga Soomaaliya iyo arrimo kale.

Wali safarkaan qarsoodiga ah kama aysan hadlin Villa Soomaaliya, lamana yaqaan sababta keentay in la qariyo kulanka dhexmaray madaxda dalka iyo wafdigii ka yimid Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xiriir waji wanaagsan ah la sameeyay dowladda Itoobiya iyadoo la xasuusto in ololahiisa madaxtinimada dalka ee dhamaadkii 2016 iyo bilowgii 2017 uu ku qotomay naceybka dowladda Itoobiya.

Soomaaliya hadda waxaa lagu tiriyaa dowladda ugu dhaw ee Itoobiya iyadoo Abiy Ahmed uu saaxiib ka dhigtay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamaanayo ee Farmaajo kaas oo muddo xileedkiisa uu ka harsan yahay wax ka yar 25 cisho.