Mahad Salaad oo Farmaajo ku eedeeyay shirqool lagu leynayo saraakiisha hal beel

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay beegsi uu sheegay in lagu hayo saraakiil kasoo jeeda hal beel, taasi oo uu ku eedeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad Salaad, oo tusaale usoo qaatay qaraxii maanta lala eegtay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida oo marayay deegaanka Tixsiile iyo saraakiishii lagu xasuuqay Gaalkacyo, ayaa sheegay inuu ku xiriirsan yahay qaraxyo kale oo hore.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in hub laga keenay Eratareeya laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde isla markaana la rabo in hubkaas lagu shirqoolo siyaasiyiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA MAHAD SALAAD

Labo Sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ugu firfircoon Ciidamada Qalabka Sida lana soo farmuuqay gaarigii ay saarnaayeen sida la ii sheegay ayaa saakay lagu qarxiyay deegaanka Tixsiile ee Gobolka Shabeelada Hoose. Dhaawac culus ayaa soo gaaray ee Allaha u boogo dhayo. Intii ku dhimatana Allaha u naxariisto, eheladoodana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Sidoo kale waxaa asbuucyo kahor Gaalkacyo lagu xasuuqay Saraakiishii Qaybta 21aad. Kuwana magaalada Muqdisho ayaa guryahooda loogu dhacay si loo dilo, kuwa kalena Farmaajo ayaa waaran u jaray si loo soo xiro. Waana qorshe lagu beegsanayo saraakiil hayb ahaan ka soo jeeda hal beel.

Sidoo kale saraakiil ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxay sheegeen maalmo kahor in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde qaybta Afisyoone laga dajiyay kartoomo ay ku jiraan MIINOOYINKA SOO BOODA oo laga keenay dalka Eratareeya. Ayna suurogal tahay in loo adeegsado shirqoolo ka dhan ah siyaasiinta iyo saraakiisha ka aragtida duwan MW Farmaajo.

Waxaan ku talinayaa in la isjiro, foojignaan dheeri ahna la muujiyo, si hanbada hartay looga badbaadiyo halaaga MW Farmaajo la maaganyahay!

Hon. Mahad Salad