Cali WAJIIS oo ka digay hal arrin ka hor doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa taageersan dowladda federaalka ayaa ka hadlay xaaladda siyaaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/21.

Sheekha ayaa sheegay in dalka uu khatar gali karo, haddii aysan dowladda dhexe xilligii loogu talagalay qaban doorashada, sidoo kalena aysan tanaasul sameyn mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu ka digay in dalka uu firaaqo galo ama dowlad la’aan uu noqdo marka uu dhammaado muddo xileedka madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sidoo kale xusay in looga baahan yahay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed inay sameeyaan dadaallo ballaaran oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyadaasi, si aysan u dhicin fowdo iyo qalalaasi siyaasadeed oo hor leh.

“khatarta la wajahaayo waxa waaye haddii dowladda hada jirta aysan xilligii loogu tala galay oo sharciyadeydii afarta sano aheyd aysan doorasho ku qaban, ragga mucaaradka iyo siyaasiyiinta aysan soo tanaasulin oo aysan ogolaanin muddo intee la eg hala ekaato inta Xaliima Yarey sheegtay ha noqoto ama ka yar ama ka badan muddo loogu tala galay in doorasho ay dhacdo noocee doonto ha ahaatee aysan ku heshiin madaxda qaranka, maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta, dalku markaas firaaq ayuu galayaa waana khatar, taasaa marka u baahan in qeybaha bulshada culimada, ganacstada inay ka shaqeeyaan in la isu soo jiido siyaasiyiinta, mucaaradka iyo dowladda hada talada heysa intaba si dalka khatar u gelin.” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Wajiis).

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli aysan cadeyn nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso dhammaadka sanadkan iyo kan xiga ee 2021-ka, waxaana sidoo kale jira jira is-faham waa u dhexeeya dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo mucaaraadka.