Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho + Arag Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxii xooganaa ee saaka ka dhacay ka soo hor-jeedka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta laanta ilaalada Canshuraha oo ku taalla halkaasi.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray xaruntaasi oo si weyn loo ilaaliyo amnigeeda.

Ugu yaraan shan askari ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi, halka uu ku dhintay darawalkii waday gaariga qarxay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali.

Sidoo kale afhayeenka Booliska ayaa xusay in gaariga qarxay uu noociisu ahaa Sruf Madow ah.

Afhayeenka oo sii hadlayey ayaa intaasi ku daray in gaariga uu xoog ku soo dhaafay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya, kadibna markii la rasaaseeyey uu qarxay.

Goob ceynkee ah ayey ku taallaa xarunta uu bartilmaameedku ahaa ee Ilaalinta Canshuuraha?

Xarunta Ilaalinta Canshuuraha waxa ay kasoo horjeedaa dekedda Muqdisho, waxaana ka howl-gala Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya oo loo tababaray qaadista, daba-galka iyo la socodka Canshuuraha.

Si maalinle ah waxaa uga howl-gala saraakiil iyo askar ka tirsan laantaas, indhahooda waxa ay u jeedaan marsada Muqdisho oo ka soo horjeedda, xubno ka tirsan laanta ayaa xarun kale ku leh isla gudaha dekedda.

Waxa ay Canshuuraan Badeecadaha ka soo dega Dekedda, kuwa laga rarayo iyo gaadiidka xamuulka qaada qudhooda, iyaga oo siiya warqad muujineysa in laga jaray canshuurta ku waajibta badeeda iyo Gaadiidka.

Xarunta ayaa aad loo adkeeyay dhismo ahaan, waxaana la jaray jidadkii dhexmari jiray ee dhanka xaafadaha degmada Xamar-jajab ka imaanayay, dhagaxaan iyo biro la furayo ayaa lagu wareejiyay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-