SOMALILAND oo jawaab ka bixisay digniintii Shiinaha

Hargeysa (Caasimadda Online) – Maamulka Somaliland ayaa si dagan uga jawaabay digniintii ay dowladda Shiinaha soo gaarsiisay kuna aadaneyd xiriirka ay la yeelaneyso Taiwan.

Dhawaan ayey aheyd markii la sheegay iney xiriir diblomaasiyadeed yeelanayaan Taiwan oo China ay u aqoonsan tahay inuu xukunkooda ka mid yahay iyo Somaliland oo Somalia ay u aqoonsan tahay iney dhulkeeda ka mid tahay.

Labada maamul oo aan aqoonsi caalami ah ka heysan dunida oo dhan ayaa isu magacaabay safiiro, waxeyna wada gaareen heshiis wada shaqeyn dhan walba ah, balse waxaa arinkaan digniin kasoo saaaray dowladda Shiinaha.

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa warbixin kasoo saartay arintaan, balse waxaa jawaab siiyay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland (Yaasiin Faratoon) oo sheegay inuusan culeys badan u arkin hadalka kasoo yeeray safaaradda Shiinaha ay ku leeyahiin Muqdisho.

“Warka Shiinaha uma aragno inuu culeys nagu yeelanaayo, inaga waxaa na sheegta Soomaaliya, halka Shiinaha ay sheegtaan Taiwan, balse labadeenuba waxaa nahay kuwa madax banaan, mana na khuseyso arintaas” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon.