24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Carabta iyo Quruxda: Afarley toban ah oo ay gabdhaha ka eegaan!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Soomaalida oo keliya ma aha, ee carabta lafteedu waxay tiraahdaa: (Naag wanaaggeed ma dhamaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn). Afarreydiina waa sidatan:-

– Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.
– Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
– Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
– Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
– Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.
– Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.
– Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
– Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.
– Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.

Sidoo kale Aqri: Soomaalida iyo Quruxda: Gabadhii laga helo 26 sifo lama sii daayo.

W/D: Sabriye Macallin Muuse

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60