Caro xooggan oo ka dhalatay erey la-yaab leh oo lagu calaameeyey Ilhaan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Caro xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii gabar ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ay Ilhaan Cumar oo sidoo kale xubin ka ah Congress-ka ku sheegtay inay qeyb ka tahay wax ay ugu yeertay “Kooxda Jihaadka.”

Lauren Boebert ayaa hadalkan sheegtay intii ay socotay dood ku saabsan haddii Paul Goasr oo isna xubin ka ah Congress-ka laga qaadayo tallaabo canaan ah kadib markii uu baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya Alexandria Ocasio-Cortez oo iyana ka tirsan Congress-ka la dilayo.

Lauren ayaa tiri “Ilhaan Cumar waa xubin ka mid ah kooxda jihaadka oo ka timid Minnesota, taasi oo walaalkeed guursatay.” 

“Xubintan ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqoto Guddiga Arrimaha Dibedda ayada oo weliba amaaneysa argagixisada,” ayey tiri Lauren Boebert oo lagu tiriyo kooxaha xagjirka ee siyaasadda midigta-fog, taasi oo hadda kahor Ilhaan Cumar ugu yeertay “xubin sharafeed ka tirsan Xamas.”

Lauren Boebert ayaa sidoo kale Eric Swalwell oo isna ah dimoqraadi ka tirsan Congress-ka ku eedeysay inuu la seexday cadowga ayada oo ula jeeda xiriir jaceyl oo la sheegay inuu la lahaa gabar Shiinees ah oo mar dambe la ogaaday inay tahay basaas.

Hadalka Lauren Boebert ayaa waxaa ka dhashay cambaareyn xooggan ayada oo dhowr siyaasi ay ugu yeereen “cunsuriyeyn iyo naceyb.”

Ilhaan Cumar ayaa uga jawaabtay hadallada Lauren ayada oo tiri “waxaan ku faraxsanahay in la igu soo koriyey si bani’aadaminimo ah oo aan noqon qof caqliga ka maran oo si ceebeysan ugu saxarooda una wasaqeeya Aqalka Wakiilada.” 

Ilhaan iyo Rashida Tlaib, oo asal ahaan ah Falastiini, ayaa ahaa labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Aqalka Wakiilada Mareykanka

Tan iyo markii ay kusoo biireen Congress-ka ayaa waxay la kulmayeen weeraro Islaam naceyb ah oo uga imanaya warbaahinta midigta iyo siyaasiyiinta Jamhuuriga, oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. 

Waxay naceybkan inta badan ku muteystaan inay dhaliilaan siyaasadda iyo dhibaatada ay Isarel ku hayso shacabka Falastiin.