Dokumenti rasmi ah oo ay Turkey dal madax-banaan ku sheegtay Somaliland (Arag)

Ankara (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin Turkish ah ayaa Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya waxay ugu yeereen inay tahay dal madax-banaan, sida ku cad dokumenti cusub oo ay heshay Caasimada Online.

 Warqaddan oo ah mid maxkamad oo ku taariikheysan December 13, 2018, ayaa dacwad-oogaha dadweynaha ee Ankara, Birol Tufan wuxuu ku billaabayaa baaritaan argagixisanimo oo ka dhan ah dad Turkish ah oo dhalleeceeya madaxweyne Erdogan oo deganaa xilligaas Somaliland.

Warqadda ayaa Birol wuxuu Somaliland ku magacaabayaa dal madax-banaan, si la mid ah dalalka kale ee ku xusan dokumentiga.

Ma cadda sababta uu dacwad-oogaha ugu yeeray Somaliland dal madax-banaan. Hase yeeshee, haddii aanay sidaas sameyn wasaaradda arrimaha dibedda way adag tahay in dacwad-oogaha uu Somaliland ula macaamilo sida dal madax-banaan. 

Sidoo kale, haddii aan Somaliland loo diiwaan-gelin laheyn dal madax-banaan, magacyada dadka la baarayey waxay aheyd in loo qoro inay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, balse waxaa warqadda ku qoran “Dalka Somaliland.”

Turkey ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda federaalka Soomaaliya. Turkey waa dalka ugu weyn ee caawiya Soomaalida, aad ayeyna dadka koonfurta u jecel yihiin dal ahaan iyo madaxweyne Erdogan intaba.

Ankara ayaa Soomaaliya ka fulisay mashruucyo badan oo bani’aadaminimo iyo kaabayaasha ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha garoonka Aadan Cadde iyo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.

Turkish-ka sidaas looga jecla deegaanada Somaliland, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta Hargeysa ay walaac ka muujiyaan taageerada ay siiso ciidanka dowladda federaalka oo ay ka cabsi qabaan in loo adeegsan karo.

Sidaas oo ay tahayna, Ankara iyo Somaliland waxaa ka dhaxeeya xiriir, waxaana Turkish-ka ay qunsul ku leeyihiin Hargeysa.  

Hoos ka arag warqadda ku taariikheysan December 13, 2018 (Magacyada iyo xogaha qaar waxaan u qarinay sababo amni dartood.)