Maamulka Koonfur Galbeed oo iclaamiyey doorashada 11 kursi oo golaha shacabka ah

Baydhaba (Caasimada Online)-Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa caawa iclaamiyey doorashada11-ka kursi ee ugu horreysa doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ka soo gelaya deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri, “Waxaan guddiga doorashada heer federal ee FEIT ku war-gelineynaa liiska kuraasta xildhibaanada golaha shacabka ee aan qorsheyneyno inaan qabano todobaadka soo socda, kuwaas oo kala ah:

1 – Hop#182
2 – Hop#042
3 – Hop#041
4 – Hop#103
5 – Hop#170
6 – Hop#171
7 – Hop#213
8 – Hop#180
9 – Hop#154
10 – Hop#189
11 – Hop#193

Guddiga ayaa warqadaan ku socodsiiyey guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT, kaas oo lagu wado inuu dhawaan qoraal ka soo saaro doorashada la iclaamiyey ee 11-kaas kursi.

Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee iclaamiyey doorashada kuraas ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ka horeysay Galmudug oo iclaamisay doorashada shan kursi, halka guddiga doorashada kuraasta Somaliland uu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horeysay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.