Carruur ay koox takfiir ah laba sano heysteen oo aabahood lagu wareejiyay

Cadaado (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka magaalada Cadaado ayaa ku guuleystay iney soo qabtaan caruur laga soo qafaashay mid ka mid ah magaalooyinka deegaanada Puntland.

Caruurtaan oo tiradooda lagu sheegay 8 ayaa lagu hayay gudaha magaalada Cadaado iyadoo laga soo qafaalay magaalada Qardho, waxeyna ciidamada si awood ah u soo qabteen Caruurta oo laga soo badbaadiyay dadkii heystay.

Gudoomiyaha magaalada Cadaado ayaa sheegay iney goor hore heleen xogta ku saabsan caruurta, balse ay ku guuleysteen iney soo furtaan, waxeyna ku wareejiyeen aabaha dhalay caruurta oo ay muddo laba sanadood ah ka maqnaayeen.

Aabaha caruurta ayaa u mahad celiyay maamulka magaalada Cadaado iyo dadka shacabka ah kuwaas oo gacan ka geystay in loo soo helo caruurtiisa, wuxuuna ugu baaqay kooxda loogu yeero jaamacadda Takfiir iney joojiyaan caruurta ay dhuumashada dadka uga qaadanayaan.

Aabaha wuxuu sidoo kale sheegay caruurta hooyadood ay ka mid noqotay kooxdaas, isla markaana ay sahal noqotay iney caruurtiisa muddo laba sano ah ka maqnaadaan.