Cawad “Ma aqbaleyno in taako dhulkeena ah ay ku xadgudubto dowlad kale iskaba daaye dekadaheena”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa mar kale sheegay in dowlada Somalia aysan u dulqaadan doonin xad gudub Siyaasadeed.

Wasiir Cawad, waxa uu tilmaamay in Somalia ay si gaara u tixgaliso Siyaasada dowladaha saaxiibada la ah, sidaa aawgeed ay doonayaan in toodana la tixgaliyo.

Waxa uu Wasiirku cadeeyay in Somalia ay dooneyso dhex dhexaadin Siyaasadeed oo hufnaan leh, hase ahaatee aysan ka samri doonin taago dhulkeeda ah, iskaba daaye in sifo sharci daro ah lagula maamulo badaheeda.

‘’Dowladu ma aysan diidin wadahadal, balse waxaan xaqiijinayaa inaysan ka samri doonin taako dhulkeeda ah, iskaba daaye in sifo sharci daro ah ay Imaaraadka ku maamusho badaheena’’

Wasiir Cawad ayaa tilmaamay in dowlada Imaaraadka qudheeda aysan Somalia u ogolaaneynin in arrimaha dalkeeda ay gorgortan kala gasho dhinacyo kale, sidaa aawgeedna aysan Somalia diyaar u aheyn in dhulkeeda lala maamulo.

‘’Dowlada Somalia waxa ay mas’uul ka tahay dalka oo dhan cid aan iyada aheyn ma gali karto Heshiis, sidaa aawgeed ma aqbali doono in Heshiis aysan dowlada galin lagu heysto dhul hanti u ah Shacbkeena’’

Sidoo kale, Wasiirka ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaalsadaan dalkooda, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday in dowlada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibadda ay kasoo bixi doonto wixii shaqadeeda ah.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili uu sii xoogeysanaayo khilaafka dowladaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com