Feysal Waraabe oo kashifay kaalinta ay dowladii Xasan Sheekh ku laheyd heshiiska dekadda Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Somaliland Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay Khilaaf siyaasadeedka u dhexeeya dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta.

Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Khilaafka uu yahay mid muuqda isla markaana ay dowlada Somalia ku dooneyso inay kusoo ceshato awoodeeda.

Waxa uu Feysal Cali, tilmaamay in dowlada Somalia ay qeyb ka aheyd Heshiiska Dekadda Berbera ee Somaliland, waxa uuna cadeeyay in xiliga Heshiiska ay aheyd mid daaha gadaashii ka maamuleysay Heshiiska Dekkadda.

Wuxuu qiray in heshiiska dekada magalada Berbera uu ahaa mid wax badan soo jiitamayey,isla markaana si Isfahan ah uu ku dhexmaray Madaxweynayashii hore ee Somalia, Somaliland iyo Imaaraadka carabta.

Feysal Cali, waxa uu sheegay in xiliga uu dhacaayay Heshiiska ay siyaabo kala duwan u qeyla dhaamiyeen, hase ahaatee aanu jirin cid dhag jalaq u siisay qeyla dhaantiisa.

Waxa uu sheegay in isagu uu goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo ahaa mid soconayey mudo 9 bilood ah,isla  markaana dhankooda uu u saxiixay Wasiirkii Arrimaha Dibada Somaliland.

‘’Heshiiska Dekadda berbera ee buuqa dhaliyay waxaa saxiixay dowlada Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh, dhankeena waxaa nooga saxiixay Wasiirkii arrimaha dibadda, ma filaayo inuu qarsoomayo Heshiiskaas’’

‘’Heshiiska wuu dhacay waxaana loo raacan doonaa dowladii hore ee Somalia, tan hadda jirta wax lug ah kuma laheyn, waxaanu hantida nalaga siiyay Imaaraadka ku heysanaa Siilaanyo’’

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe ayaa meesha ka saaraya beenintii Maamulka Somaliland ee ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay qeyb ka aheyd dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waxa uu Feysal Cali maamulka Muuse Biixi mar kale ugu baaqay inuu is casilo, sababo dhanka iibsashada dalka, ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com