Cawad oo afar qodob kala hadlay boqorka Sacuudiga iyo dhismaha urur cusub

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga kula kulmay boqorka Dalka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa afar arin kala hadlay boqorka Sacuudiga oo kala ahaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, Adkeynta amaanka gobolka, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay  Soomaaliya u horreyso.

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay wasiirada arrimaha Dalalka Yemen, Sudan, Masar iyo Jabuuti, isaga oo kala hadlay isbadalka gobolka Geeska Africa iyo sidii xiriirada dalalkaasi kala dhaxeeya Soomaaliya loo wanaajin lahaa.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu kulan kale la qaatay wasiirada iyo boqorka Sacuudiga kaasi oo ujeedadiisa ay aheyd sidii loo dhisi lahaa Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee kulaala Badda Cas.

Waxaa soo wanaagsananaya Xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya oo mugdi uu galay waxii ka dambeeyay markii Somalia dhexdhexaad ay ka noqotay go’doomintii lagu sameeyay Dalka Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah 
Caasimada@live.com