Xog: Maxay Kheyre, Cawad iyo Muudeey kala kulmeen guddoomiyaha BF, Mursal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay cadaadis maalmo ahaa iyo kulamo isdaba joog ah oo lala yeelanayay si xal looga gaaro mooshinka uu qabtay ee ka dhanka ah madaxweyne Farmaajo.

Ka hor inta uusan ka guurin xarunta Villa Somalia hoyga uu ka deganaa waxaa jiray kulamo gaar gaar ah oo lala yeelanayay guddoomiyaha baarlamaanka si xal looga gaaro mooshinka.

Ilo xog ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in xalay kulan aan loo kala kicin ay yeesheen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenada baarlamaanka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh.

Kulankaasi ayaa waxaa la doonayay in xal looga gaaro mooshinka, islamarkaana guddoomiye Mursal uu ku cadeeyo in mooshinka uu buray si loo dhabar jebiyo xildhibaanada mooshinka keenay.

Guddoomiye Mursal ayaa sida xogta aan ku heleyno wuxuu diiday dhamaan soo jeedimaha ay sameeyeen ra’iisul wasaaraha dalka iyo ku xigeenada baarlamaanka, sida ilo xog ogaal ah ay inoo sheegeen.

Waa Sababta koowaad ee dhalisay inuu isaga guuro Villa Uganda oo maalmihii ugu dambeeyay uu ku sugnaa.

Xildhibaanada baarlamaanka ee mooshinka wada ayaa shalay sheegay in guddoomiye Mursal uusan baahan doonin inta ay nool yihiin, sida uu ku dhawaaqay Axmed Macalin Fiqi oo mooshinka hor boodaya.

Xildhibaano kale oo mooshinka wada ayaa la sheegay inay leeyihiin hotelka la dajiyay guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana taasi ay sii adkeysay mooshinka laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com