XOG: Waan waantii oo dhamaatay iyo Mursal oo mooshin laga keenayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xogo muhiim ah ku soo gaarayaan xafiiska Caasimada Online ee Muqdisho, waxaa habeenkii xalay ahaa fashilmay dadaaladdii la’isugu soo dhaweeynayey Gudoomiye Mursal iyo xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinkii Madaxweynaha ee buray.

Qaar ka mid ah xildhibaanada iyo Mursal ayaa is maandhaafay kaddib markii uu dhawr jeer uga baxay balallamo ay kala sixiideen.

Taas waxa ay dhabbaha u xaartay in gudoomiyaha baarlamaanka ka soo guuro gurigiisii xarunta Villa Somalia, isaga oo soo dagay guriga xibsigii hore loo oran jiray Daljir ee hadda ku biiray Daamjadiid.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in laga rejo dhigay Mursal oo hadda uu diyaar yahay mooshinkii lagu ridi lahaa.

Tirada xildhibaanada ka soo horjeedda mooshinka Mursal laga keenayo ayaa la sheegay inay badan tahay, waxaana mooshinkan hogaamin doona guddoomiye ku xigeenka baarlamanka Cabdiweli Muudeey.

Dhinaca kale waxaa jira xildhibaano sheegaya in Mursal la ridi doono ka hor inta uusan soo laaban Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre oo saaka u dhoofay dalka Qadar.

Xiisadda siyaasadeed qasan ayaa bilaabatay kaddib markii uu 9-kii bishan gudoomiyaha Baarlamaanka qabtay mooshin ay tiro xildhibaana ah ka keeneen Madaxweynaha Jamhuuridda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Hase ahaatee, Buux oo ah xoghayaha joogta ah ee baarlamaanka ayaa warqad uu shalay soo saaray ku beeniyey in mooshinka laga keenay Madaxweynaha buray kaddib markii 14 xildhibaan sheegeen in magacooda iyo saxiixooda lagu been abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com