Xog: Madaxweyne Afwerki oo berri imanaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ayaa la filayaa in berri uu booqasho rasmi ah ku yimaado magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Afwerki ayaa casuumad ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweynaha Eritrea ayaa muddo laba maalmood ah joogi doona caasimadda Soomaaliya, waxaana uu wada-hdallo ku saabsan xiriirka labada dal la yeelan doonaa madaxweyne Farmaajo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa soo wanaagsanaanayey wixii ka dambeeyey 28-kii July, markaasi oo madaxweyne Farmaajo uu booqasho saddex maalmood qaadatay ku bixiyey magaalada Asmara.

Labada hogaamiye, oo uu wehliyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa wixii markaas ka dambeeyey saxiixday heshiisyo saddex geesood oo dhowr ah.

Soomaaliya ayaa dhinaca kale kaalin ka gaysatay in golaha ammaanka QM uu xayiraadda hubka ka qaado Eritrea, horaantii bishii November.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com