Yuu Mursal kula kulmay safarkii Qubrus (Cyprus)?

Istanbul (Caasimada Online) – Intii u dhaxeysay 15- 18kii bishii November ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya safar qarsoodi ah ku tagay Jaziiradda Qubrus qeybta ay maamusho Turkey, balse shaaciyay in uu dalka Turkiga u tagayo arrimo qoys, laakiin waa meesha ay ka soo billaabatay fikradda mooshinka.

Guddoomiye Mursal ayaa hotelka uu Qubrus (Cyprus) ka dagay ee Mediterranean Beach Hotel kula kulmay ku xigeenka madaxa golaha amniga qaranka dowladda Imaaraatka Ali Mohammad Hammad Al Shamsi, iyada oo ay soo if baxeyso waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ahaa in muddo saddex bilood ah lagu rido dowladda hadda jirta, kadibna la keeno dowlad cusub oo Imaaraadka taageersan.

La-taliyaha guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) horayna u ahaa ku xigeenkii NISA ayaa kulanka fududeeyay isaga sidoo kale qaatay mas’uuliyadda dhanka sirdoonka iyo habka loo fulin karo qorshahan ay imaaraadku dejiyeen.

Mursal ayaa loo ballan qaaday qarashka ku baxaya kala qeybinta baarlamaanka iyada oo safaaradda Imaaraadku ay gawaari ugu geyn doonto hotelka oo uu iminka degay.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah safaaradaha reer galbeedka ee Xalane Deggan si ay magangeliyo u siiyaan guddoomiye Mursal iyo qaar kamid ah xildhibaannada haddii uu qorshahan ka fashilmo.

Qorshaha Imaaraadka ayaa hadda u muuqda mid ka rajo wanaagsan sidii hore, maadaama Mursal uu hadda gacanta ugu jiro xisbiga Daljir, kana suurtoobaan wax badan.

Waxyaabaha cabsida leh ee hadda jira ayaa ah in haddii mooshinka madaxweynaha loo waayo xildhibaano taageera, in Mursal kulan u qabto xildhibaanada mooshinka keenaya kadibna shaaciyaan inay rideen madaxweynaha, taasi oo dowladda burburin karta ama carqalad gelin karta.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com