Gudoomiyaha barlamanka oo xarunta xisbigii Daljir ka dhigtay guri iyo xafiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta ka guuray gurigii iyo xafiiskii uu ka daganaa Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna dagay guriga ay Muqdisho ku leeyihiin xubnaha Xisbigii Daljir ee ku biiray Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheikh.

Xildhibaano ka kala tirsanaa Daljir iyo Damul-jadiid laakiin hadda ku midoobay UPD oo ay ka mid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Cabdisaabir Nuur Shuuriye, Mahad Maxamed Salaad, C/laahi Maxamed Nuur, Cabdiraxmaan Odawaa ayaa wadahadal ay kula jireen Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaatay muddo 3 maalin ah kaddib ugu dambayn ku guuleystay in ay ka raraan Madaxtooyada.

Warar hoose oo la xiriira guuritaanka Guddoomiye Mursal ayaa xaqiijiyay in uu meel fiican marayo qorshe ah in Mursal uu ku biiro Xisbiga Mucaaradka ah ee UPD  qorshahaas ay lacag fara badan ku bixineyso dowladda Imaaraadka.

Laga soo bilaabo markii shalay Xoghayaha Baarlamaanku sheegay in uu jabay  mooshin  9-kii bishaan ay xubno ka mid ah Golaha shacabku sheegeen in ay gudbiyeen Madaxweynaha, waxaa hoos u dhacday xiisad siyaasadeed oo taagneed labadii maalin ee ka horeysay laakiin talaabadan cusub ee Guddoomiye Mursal uu ku dhaqaaqay ayaa dad badan shaki kale ku abuurtay.

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com