Sababta uu guddoomiye MURSAL uga guuray Villa Somalia oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ka guuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu wali jiro khilaafka dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeya isaga iyo ku xigeennadiisa.

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi, oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal uu degay Dhisme ku yaalla agagaarka xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Hotel Shabeel.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in sababta uu Guddoomiyaha u guuray ay tahay qatar dhinaca amaankiisa la xiriirta.

Waxaa uu intaas ku daray in mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ay amaankiisa qatar geliyeen islamarkaana uu qatar galay amnigiisa.

Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in goobta hadda uu degay Guddoomiyaha Golaha shacabka uu amaankeeda suganyahay islamarkaana aysan jirin wax amnigiisa la xiriira oo ay shaki ka qabaan.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta hadalka xildhibaan Jindi ee ah in halis la geliyey nolosha guddoomiye Mursal

Muqdisho waxaa wali ka jira khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo isku khilaafay mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com