CC Shakuur: Daa’uud Cali Masxaf ma laha tol la’aan ayaa heshay, looma aasin sida kuwii la midka ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdirxamaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay geeridii ku timid allaha unaxariistee fanaankii Daa’uud Cali Masxaf, gaar ahaan Aaskii shalay loogu sameeyey magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya.

Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Daa’uud uusan mudneyn sida loo aasay, islamarkaanka dhaxalka uu fanka Soomaaliyeed uga tagay yahay mid mug leh.

Sidoo kale siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tilmaamay Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar aysan fanka Soomaaliyeed ka qabanin in Daa’uud Cali Masxaf duur cidlo ah iyo dad yar oo kooban ay ku aasaan Jigjiga oo ka mid ah magaalooyinka dhaqanka iyo fanka Soomaalida kuwooda ugu waa weyn.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in fanaaniintii la miisaanka ahayd Daa’uud Muqdisho, Hargeysa iyo Jigjigaba loogu sameeyeey Aas Qaran, isagoo intaasi ku daray inuu u maleynayo in Masxaf ay heshay tol la’aan, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka akhriso:

Ma mudneyn Daa’uud Cali Masxaf in sidaas loo aaso, sababtoo ah Dhaxalka uu Daa’uud fanka Soomaaliyeed u dhaafay waa mid mug iyo miisaan culus leh, muddana dhexdeena ku noolaan doona. Ka sokow in mulaxaniiste iyo fanaan cod macaan leh ahaa, Daa’uud wuxuu ka mid ahaa macallimiinta waaweyn ee kabanka (cuudka). Xudaydi iyo Jiim Shiikh Muumin oo ah labada macallin ee Daa’uud kaga daysaday majaalkan ayaa laga hayaa ‘Daa’uud wuxuu naga badsaday garaaca Kabanka, sidaas darteen wuu nooga fiican yahay’.

Haddii aan Fanka qaybihiisa kala duwan ee farshaxanka, ruwaayadaha, majaajillada, heesaha, gabayada, guurowga, geeraarka, shiribka iyo buraanburka u aragno in uu yahay awood lagu mideeyo dareenka iyo khayaalka bulshada, muraayadda laga dheehdo inta ay la egyahay ilbaxnimada, dooqa, cabir lagu gudbiyo farriimaha kalgacalka, siyaasadda, iyo waddaniyadda. In uu isku keeno dad siyaasad ku dirirsan, ama isku soo dhoweeyo duul juqoraafi ahaan kala fog.

Daalka, faraxa iyo murugadaba si isku mid ah nafta looga nasiyo, yahayna kiciyaha caadifadda iyo kobciyaha garaadka bulshada walee nin dhaxal mug leh dhaafay sidaas looma aaseen.

Madaxeyne Mustafa fanka Soomaaliyeed kaama qabato in Daa’uud Cali Masxaf duur cidla ah iyo dad yar oo kooban ay ku aasaan Jigjiga oo ka mid ah magaalooyinka dhaqanka iyo fanka Soomaalida kuwooda ugu waaweyn.

Inkastoo Soomaali badan ay faham taban ka haystaan fanka, haddana fannaaniintii la miisaan ka ahayd Daa’uud Cali Masxaf waxaa Muqdisho, Hargaysa iyo Jigjigaba loogu sameeye aas qaran ee ma laha Daa’uud tol la’aan ayaa heshay. Fanaaniinta dhaxal faneed ka dhaafay kama liitaan saraakiisha, diblomaasiyiinta, siyaasiyiinta aaska qaran loo sameeyo.

Waan hubaal inuu in uu Daa’uud aas qaran mudnaa,. Inkastoo sidii uu mudnaa uusan helin, waxaa hubaal ah in waqti badan fankiisu nagu dhex noolaan doono ee Allayahow u naxariiso Daa’uud Cali Musxaf.