CC Shakuur oo ka dagay Doolow iyo arrin uu shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaarka Bani-aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ergeyga gaar ah ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay, si ay usoo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Xeryaha la dejiyay dadka barakacayaasha ah.

Doolow waxaa saldhigtay qoysas intooda badan ka barakacay degmooyin katirsan gobolada Baay iyo Bakool ee dowlad goboleedka Koofur Galbeed iyo degmooyinka qaar ee isla gobolka Gedo si ay caawinaad ugu helaan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in xaalad bani’aadanimo oo aad u daran ay ka jirto, islamarlaana loo baahan yahay in loo gurmado dadka ay Abaaraha ceyrteeyeen.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in maalin welba ay Doolow tagaan Qoys u badan xoolo dhaqato iyo beeraley abaartu saameyn taban ku reebtay.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in gargaarka dadkaas la siiyo uu gaarayo 18%, marka la eego tiradooda iyo raashinka la siinayana aanay isku dhigmin.