Madaxweyne Xasan Sheekh: Markii labaad iyo xujada maqaamka MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare cusub. Hadda xilka ugu weyn ee gacantiisa ku haray waa guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dad badan oo eryanaya kursigaas ayaa lasoo warinayaa inay dhooban yihiin xafiiska madaxweynaha. Siyaasiyiinta wax ka dhisatay madaxweynaha ayaa iyaguna olole u wada shaqsiyaad kala duwan oo ay rabaan in midkood loo magacaabo xilkaan.

Sida ay wax ku socdaan, shacabka magaalada Muqdisho waxay mar kale qaadanayaan guddoomiye gobol oo warqad madaxweyne ku magacaaban, waxayna weli masaafo usii jiraan in iyaga loo madax baneeyo aayahooda.

Xasan Sheekh wuxuu marar badan sheegay intii uu mucaaradka ahaa in qabyadii uu sheegi jiray ay kamid aheyd inuu nidaam gaar ah u sameeyo gobolka Banaadir. Hadda Xasan wuxuu mar kale nasiib u helay inuu xafiiska kusoo laabto, waxayna dadka eegayaan inuu hadalkiisii mucaaradnimada kursi doon ku ekaan doono ama inuu Muqdisho culeyskeeda wax ka badali doono, oo uu billaabi doono geediga maamul u gaar ah magaalada Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho waxay marar badan si aan dhuumasho laheyn u sheegeen inay u baahan yihiin maamul u gaar ah oo ay iyagu doortaan.

Nooca maqaamka ay magaaladaan yeelan doonto waxaa lagu xiray go’aanka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, laakiin waxaa ku lifaaqan iyadoo la tixgelinayo rabitaanka dadka magaalada

Dadka caasimadda ayaa su’aalo laga weydiiyey sanadkii 2017 nooca maqaamka ay rabaan, laakiin nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa joojiyey shir bishii December 2017 lagu soo bandhigi lahaa sida ay dadka caasimadda rabaan inuu noqdo maqaamka magaaladaan.

Muqdisho waa magaalada ugu dhulka ballaaran dalka, ugu dadka badan, ugu dhaqaalaha badan, ugu ganacsiga ballaaran, cashuurta ugu badan bixisa, haddana dhinaca kale waa magaalo aan matalaad siyaasi ah ku laheyn dalka, waa magaalada ugu amniga xun, dadka ugu badan lagu dilo, midda ugu badan ee lagu gafo siyaasad ahaan iyo mid aan dadkeeda loo ogoleyn inay go’aansadaan masiirkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa heysta imtixaankii labaad ee ku saabsan magaalada Muqdsiho, haddii uu markii hore sheegay inuu dib u dhigtay hagaajinta nidaamka magaaladaan hadda ayuu gacanta ku hayaa fursaddii labaad.

Haddaba maxaa muhiim ah oo laga dhex raadin karaa xulashadiisa cusub ee qorsheysan?

Inkastoo aysan dooda noqon karin inuu hadda joojiyo isbadalka warqadda ku dhisan ee hoggaanka gobolka Banaadir, haddana waxaa madaxweyne Xasan la gudboon inuu magacaabo maamul heysta awood iyo waqti kooban oo magaalada ugu diyaariyaan inay is maamusho.

Ugu yaraan waa in la heli karo qof laba sano magaaladaan ku gaarsiin kara is doorasho. Macno badan dadka magaalada Muqdisho uma lahan guddoomiye la iska magacaabo oo aan la ogeyn waxa uu u taagan yahay.

Waa in xulashada cusub lagu saleeyaa qof dhallin kara maqaam oo haya fikradeedii iyo farsamadeedii ayey badi qabaan siyaasiyiinta deegaanka.

Iyadoo aan la dafiri karin caqabadaha awood qeybsiga beelaha iyo damaca beelaha uga wada jira inay wax ka helaan maamul madax banaan oo ay Muqdisho yeelato, haddana sida loo qeybsanayo awoodda waxaa ka muhiimsan in marka hore la meel mariyo nooca uu noqonayo maqaamka caasimadda oo uu nidaamka cusub ee Xasan Shiikh hor-tabin ka dhigto.

Dadka reer Muqdisho intaan ka badan kuma hoos noolaan karaan guddoomiye gobol oo maqaar saar ah oo saacadii uu doono uu eryi karo madaxweynaha.

Helitaanka taageerada Xasan Sheekh ee shacabka caasimadda waxay ku xiran tahay sida uu mudnaan u siiyo halista maqaam iyo maamul madax banaan oo ay caasimadda yeelato ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre oo inta ugu badan noloshiisa ku qaatay magaalada Muqdisho, wuxuu dhowr jeer doodo hore ku muujiyey sida ay muhiim u tahay in dhibaatada taalo Muqdisho xalkeeda si dhab ah loo wajaho oo la helo maamul gaar ah oo dadku dhistaan lana xisaabtami karaan.

Xamza hadda wuxuu joogaa miiska go’aanka waxaana la eegayaa sida uu isna dhankiisa mudnaan u siiyo Muqdisho iyo maqaamkeeda.