CC Shakuur oo dibadbaxyada Muqdisho la mid dhigay kuwa ka socda caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay dibadbaxyo uu sheegay in maanta  ay ka socdaan wadama badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sheegay in cabashooyinka dibadbaxayaashaasi u jeedka ay kala duwan yihiin, balse ay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliya in ay jabiyaan wax uu ugu yeeray darbiga cabsida, islamarkaana ay isugu soo baxaan abaabul nabadeed.

Halkan hoose ka akhriso:

Caasimado badan oo dunida ah waxaa maanta ka oogan dibad baxyo ay shacabka xaqooda ku dhacsanayaan. Dalalka Lebanon, Iraq, Chile, Ecuador, Indonesia, Haiti, Hong Kong, Spain, iyo Bolivia ayaa waxaa bilihii ina dhaafay gilgilay dibad baxyo cabashooyin kala duwan, laakiin ujeedo isku mid ah leh. Dibad baxyo looga gadoodsan yahay kordhinta sicirka tikidhada tareennada dhulka hoostiisa mara ee dalka Chile ayaa xukuumadda ku qasbay in ay go’aakaas ka laabato, sidoo kale ayaa shacabka dalka Ecuador ku qasbeen dowladdu in ay ka laabato kordhinta sicirka shidaalka.

Dalka Lebanon ayaa mudaaharaadyo shacabku isugu soo baxay lagu dalbaday in ay xukuumaddu joojiso canshuur lagu soo rogay ku hadalka WhatsApp-ka, laakiin dalabka shacabka ayaa isku beddaly in ku takrifalka hantida shacabka iyo awood qaybsiga firqo diineedka ku dhosan ee dalka la haray wax laga guuro.

Dalka Iraq ayaa dalabyo kuwaa la mid ah shacabku dibad baxyo waa weyn isugu soo baxeen, iyagoo dareenkooda ku cabbiray in ay ka daaleen hanti boobka, musuqa siyaasiyiinta iyo weliba awood qaybsida firqo diineedka ku dhisan.

Hong Kong ayaa iyadu shacabkeedu ku qasbeen maamulka dalkaas in ay ka laabtaan sharci muwaadiniinta Hong Kong ee danbiga gala loogu gacan gelinayo dalka Shiinaha, iyagoo ku doodaya in dalka Shiinaha ay danbi ka tahay ra’yiga siyaasada iyo xoriyadda fikirka.

Barcelona ayey shacabku fariimo baraha bulshada isku dhaafsanayeen, iyagoo leh maxaa naga hortaagan sida ay shacabka Hong Kong faleen, waxayna isugu soo baxeen dibad baxyo ay kaga falcelinayaan hoggaamiyaasha Gobolka hodanka ah ee Catalonia oo xabsiga la dhigay.

Dalka Bolivia ayaa shacabku isugu soo baxay mudaaharaadyo looga soo horjeedo doorasho lagu shubtay oo uu ku guulastay Evo Morales oo haatan soo rogay xukun degdeg ah, laakiin weli dibad baxyadii way socdaan.

Dalka Haiti ayaa waxaa weli ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo shidaal la’aan ba’an oo dalkaas ka taagan, kuwaas markii danbe u xuubsiibtay dalabyo xuquuq siyaasadeed iyo dib u habeyn dhaqaale lagu doonayo. Indooniisiya iyo Kashmiir ayaa waxaa iyaguna ka socda dibadbaxyo.

Cabashooyinka dibad baxyaasha ayaa kala duwan, laakiin waxay isaga mid yihiin in shacabku xaqiisa dhacsado, iyagoo ka faa’iidaya xiriirka baraha bulshada. Dibad baxayada qaarkood boqolaal ruux ayaa ku dhintay, kuwaasoo geerida ka doorbiday silica iyo si xun u noolaasho darxumo ah.

Muwaadinka waajib ayaa dalkaasi ka saaran, xuquuqna waa ku leeyahay. Isku dheellitirka xaqa iyo waajibka waa masuuliyadda saaran Dowladda. Haddiise ay gabto ama ku gabood fasho waa in wakiillada shacabka ay kula xisaabtamaan. Haddii ay wakiilladu ku guul darreystaan masuuliyaddooda, shacabku waa in uu xaqiisa dhacsadaa.

Ma jiro xal debadda ka imaanaya ama samada ka soo degaya. Dadka iyagaa laga rabaa in ay dareenkooda muujiyaan, xaqoodana abaabul iyo dibax bax nabadeed ku dhacsadaan.

Nolosha Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan caasimadda ma aha mid la qaadan karo, sida keli ah ee ay shacabku uga xoroobi karaan cabsida argagexisada iyo cadaadiska dowladda waa in ay jebiyaan derbiga cabsida oo abaabul nabadeed la isugu soo baxaa si noloshan dayaca iyo darxumida ah loo beddelo. Dhallinyaradu way karaan arrinkaas ee dadaal iyo waqti geliya, doodo iyo aragti is dhaafsada.

Gabyaa reer Tuunis ah ayaa laga sheegay in uu yiri

“Haddii shacabku uu goosto in uu nolaado, qaddarka ayaa ku qasban in uu ajiibo”

oo macnaheedu yahay awoodda iyo rabitaanka shacabka ayaa isbeddelka samayn kara.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com