CC Shakuur oo khudbadiisa ku weeraray xildhibaanada uu codka ka raadinayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ee maanta hadal-jeenta kulahaa teendhada Afisyoone ayaa qaaday tallaabo wax u dhimi karta rajadiisa doorashadiisa.

Cabdiraxmaan oo intii hore si qurux badan u jeediyay khudbadiisa musharaxnimo ayaa daqiiqadii u dambeysay si weyn u duray xildhibaanada labada aqal, kuwaasi oo ah go’aamiyayaasha cidda kusoo baxeysa doorashada loo balansan yahay 15-ka bishaan.

Musharaxa ayaa sheegay in Xildhibaanada badankooda ay ku yimaadeen qaab aan ka duwaneyn magacaabis oo kale, inkasta oo arrintaasi run tahay, haddana marka la joogo marxladaan oo kale si toos ah looma duro Xildhibaanada oo asaga laftigiisa uu ka rabo cod.

“Xildhibaano badan oo halkan fadhiya oo labada aqal ah sida ay ku imaadeen dhamaanteen waa ogsoonahay, waxaa lagu soo doortay duruufo, markay codka dhiibanayaan waxay fiirinayaan duruuftii ay kusoo baxeen iyo damiirkooda,” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Fallan-qeeyayaasha Siyaasada ayaa qaba in durista Xildhibaanada ee uu sameeyay Musharax Cabdiraxmaan ay aheyd mid aan maanta meesha oolin, maadama laga wada dharagsan yahay sida ay ku soo baxeen iyo qaabkii doorashadooda u dhacday.

“Khudbada Cabdiraxmaan aad bey u fiicneyd illaa inta laga gaarayo daqiiqadii u dambeysay, maanta ma aheyn maalin su’aal la galiyo sharciyada xildhibaanada, lana xasuusiyo inay soo saarteen shaqsiyaad gaar ah oo cod uga fadhiya,” ayuu yiri Aqoonyahan kamid ah fallanqeeyaasha arrimaha siyaasada oo la hadlay Caasimada Online.

Sida la fahamsan yahay Musharaxa ayaa hadalkiisa ka lahaa ujeedo beer laxowsi iyo inuu ku sasabto xildhibaanada, hase yeeshe waxay u horseeday inuu ku dhaco qalad siyaasadeed uusan fileyn oo saameyn ku yeelan kara doorashadiisa.

Si kastaba, Doorashada madaxweynaha oo lagu wado inay teendhada Afisyoone ka qabsoomto maalmo kooban kadib ayaa cida soo baxeysa waxaa go’aaminteeda leh Xildhibaanada labada aqal oo ayagu u codeynaya musharaxiinta.