Muuse Biixi ka hadalay doorashada Madaxweynaha DF, weerarayna musharaxiinta qaar

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale Muuse Biixi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in masuuliyiin ka soo jeeda Somaliland ay xilal u doontaan Muqdisho.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaliilay maalinta lagu aadiyey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee 15-ka May, taas oo ku asteysan maalinkii la aas-aasay ururkii xornimo doonka Soomaaliya ee SYL.

“Soomaaliya bishaan 15-keeda ayey u asteeyeen inay qabsadaan doorashada madaxweynaha, inay is doortaan oo nabad galaan ayaan Alle uga baryeynaa, laakiin waxaan hoosta ka xariiqayaa 15-ka markii ay doorteen waxay ka shaqeeyeen in dib dambe aanaa isku soo sheegan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Wuxuu intaas ku sii daray, “15-ka May waxay noo aheyd maalintii SYL, kadib waxay u bixiyeen maalinta dhalinyarada, maantana waxay ku beegeen maalinta madaxweynahooda, wax iska galayna malahan oo taariikh iskuma lahan, waana ka bareereen.”

Madaxweynaha Somaliland oo hadalkaan ka jeediyey xaflad ka dhacday Jaamacad ku taalla Hargeysa ayaa si gaar ah u duray musharaxiin ka soo jeeda Somaliland oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ku jirto Fowsiya Xaaji Aadan oo ah gabadha kaliya ee musharaxiinta ku jirta, sidoo kale waxay aas-aastay jaamacadda uu maanta Muuse Biixi hadalkaan ka jeediyey.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa kuwo guul dareystay ku tilmaamay dadka u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, waxaana dadkaas lamid ah buu yiri, dadka reer koonfurka ah ee aaminay in siyaasiyiintaas ay Somaliland metelaan.

“Waxay nacasnimo heysataa, dadka Somaliland u dhashay ee maamuuska ku heystay dhulkooda oo qaarkood Jaamacado halkaan ka dhisay, ee inta Xamar tegay dhahaya waxaan meteleynaa Somaliland oo baarlamaanka ayaa dooneynaa waana codeyneynaa,” ayuu yiri Muuse.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ay joogaan dad culumo iyo caamo leh oo aqoon diimeed leh, balse ay lamid noqdeen kan Somaliland ka tegay ee loo dhaariyey inuu Somaliland metelayo.

“Qolada ay u codeeyaan dadka naga tegay ee Muqdisho jooga, dhibaatada ka gaarta reer Muqdisho anaga naguma eedi doonaan, kuwa Somaliland ee xilalka u doontay Muqdisho, waa noo gefeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Hoos ka daawo