CC Shakuur oo laba arrin oo muhiim ah ka doonaya guddiga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa fariin u diray guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka oo ka shaqeynaya doorashooyinka 2021 ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Siyaasi Warsame, ayaa sheegay in guddiga doorashada uusan u aqoonsaneyn inay yihiin guddi madax banaan, maadaama sida uu sheegay ay xafiis ku leeyihiin madaxtooyada Soomaaliya.

Guddiga doorashada ayuu kula taliyay inay kasoo guuraan madaxtooyada Soomaaliya si uu u noqdo guddi madax banaan, maadaama hadda uusan u aqoonsaneyn inuu madax banaan yahay.

Xisbiyada kala duwan ee dalka oo talo ay kala dhaxeyso guddiga ayuu sheegay inaysan fursad u heysan inay la kulmaan, maadaama madaxtooyada oo xildhibaanada qaar loo diiday ay dhex degen yihiin guddiga madax banaan ee doorashooyinka.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka doonayaan in xukuumadda ay ku cadaadiyaan inay ansixiyaan Sharciga doorashooyinka, islamarkaana dhamaan xisbiyada dalka ay kala shaqeyn doonaan.

“Guddiga doorashooyinka waxaan u aqoonsaneynaa inay madax banaan yihiin markey banaanka madaxtooyada soo dagaan, sababtoo ah anaga xisbiyadii ayaan nahay talo ayaa nagala dhaxeysa, laakiin lama kulmi karno”

“Guddiga doorashooyinka waxaan ka codsaneynaa inay ku cadaadiyaan xukuumadda inay ansixiso sharciga doorashooyinka, waxaana u balan qaadeynaa dhamaanteen inaan kala shaqeyno arintaasi”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com