CC Shakuur oo maxkamad lasoo taagay galabta iyo hal arrin oo uu iska diiday

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo habeen hore ay xabsiga u taxaabeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa galabta lasoo taagay xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ee Muqdisho.

Keenista Cabdiraxmaan ee maxkamadda ayaa dhacday, ayada oo la eegayo sharciga dhigaya in muwaadin aan wax shuruud l’aan xabsi lagu hayn kairn, haddii aan maxkamad lasoo taagin.

Waxaa inta badan maxkmaadda ku wehliyey qaar ka mid ah xildhibaanada beesha Habar-Gudir oo tagey iyo siyaasiyiin kale oo ka mid ah xubaha ay aadka isugu dhow yihiin. Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale la sheegay iuu joogay maxkamadda.

Warar aan ka helay maxkamadda ayaa sheegay in Cabdiramxaan Cabdishakuur uu diiday in dammaanad lagu sii daayo, isaga oo ku adkjeystay in toos loo soo daayo ama dambi lagu caddeeyo.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Xeer Ilaalinta ay dooneyso in muddo dheeraad ah loo siiyo baaritaanka, isla markaana maalmo xabsiga lagu sii haayo, si kiis rasmi ah loogu soo oogoo.

Xeer ilaalinta ayaa codsata 5illaa 7 maalmood oo dheeri ah, waxaase la siiyey kaliya 24 saac, si aan xogta ku helnay.

Xaalado siyaasadeed ayaa ka dhashay xariga C/raxmaan C/shakuur iyo weerarkii habeen hore lagu qaaday hoygiisa, waxaana magaalada Muqdisho ka jiray dareen amni iyo mid siyaasadeed oo aan kala joogsi laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com