Indha cadde oo arrinta CC Shakuur usoo gaaray Muqdisho & Kulan aan leysku fahmin oo uu la qaatay RW Kheyre (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararka ku heleyno waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray Yuusuf Siyaad Indha cadde oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray.

Yuusuf Indha cadde oo waayadan dalka uga maqnaa nasiin ayaa maanta ka imaaday magaalada Kampala ee dalka Ugandha, waxaana lasoo sheegayaa in imaanshihiisa uu yahay mid la xiriira weerarka iyo xariga C/raxmaan C/shakuur.

Indha cadde ayaa la xaqiijiyay in kolkii uu kasoo dagay Garoonka Aadan Cadde loo galbiyay dhanka Villa Somalia, isagoo halkaa kula kulmay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre.

Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in Indha cadde iyo Kheyre ay kawada hadleen xariga C/raxmaan C/shakuur, balse ay isku mari waayen.

Indha cadde ayaa Kheyre ka dalbaday in la qaboojiyo xiisada ka dhalatay  weerarka iyo xariga CC Shakuur, maadaama dalka uu ku jiro xili uu kasoo kabanaayo dhibaatooyinkii hore.

Indha cadde waxa uu Kheyre u sheegay in ujeedka imaatinkiisa uu yahay xalinta weerarka CC Shakuur, waxa uuna ka dalbaday in leysla fahmo hanaanka ugu sahlan ee xalka looga gaari karo xariga.

Kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysaday xariga CC Shakuur, isla markaana uu dhameysan doono dacwadaha uga furmi doona Maxkamada.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dowlada Federaalka ay ahmiyad gaar u aragto in meel lagu soo xiro kiiska CC Shakuur si loogu tiro ama looga tiro dacwada.

Sidoo kale, waxaa isfahan’waa kusoo dhamaaday kulanka Kheyre iyo Yuusuf Indha cadde oo qorshihiisu ahaa in xal looga gaaro xiisada Siyaasadeed ee ka dhalatay weerarka CC Shakuur oo isagu lagu eedeeyay inuu yahay Qaran dumis.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in Kheyre iyo Indha cadde ay wada qaatan kulan kale oo ay goobjoog ka ahaan doonaan Odayaal xul ah, si xal loogu raadiyo xiisada jirta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com