CC Shakuur oo maalintii labaad hortagaya maxkamada iyo xeer ilaalinta oo laga sugaayo cadeymo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo arbaco ah mar kale Maxkamada Gobolka Banaadir lasoo taago Maxbuus Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo dowladda Somaliya ku eedeysay inuu maleegayay arrimo ka dhan ah dowladnimada Somalia.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo shalay u guda gashay Dacwada ayaa mar kale Xeer ilaalinta Qaranka ka dalbatay inay soo dhameystirto cadeymaha Dacwadaha loo heysto Siyaasiga Maxbuuska ah.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo tixraaceysa eedeymaha loo jeediyay C/raxmaan C/shakuur, ayaa dowlada ka dalbatay in cadeymaha lagu soo dhameystiro muddo 24saac oo manta ku eg.

Xafiiska Xeer ilaalinta Somalia ayaa laga dalbaday muddo 24 saac gudahood inay ku keenaan cadeymo ku filan kiiska Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame, maadaama eedeyntiisa ay tahay mid culus.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa dalbaday muddo 5 cisho ah oo maxkamadda lagu horkeynaayo cadeymaha, balse laga diiday oo waqti ahaan la siiyay in cadeymaha lagu keeno muddo 24 saac gudahood.

Qareenada u doodaya C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa ku doodaya hanaanka loo maray soo qabashadiisa inay tahay mid sharcidaro ah, marka la eego weerarka hoygiisa lagu qaaday Siyaasigaan.

Sidoo kale, maanta oo lagu madalsan yahay maxkamadda Gobolka Banaadir in dib la isugu soo noqdo ayaa waxaa la sugayaa in la horkeeno Cadeymaha eedeynta C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Dhinaca kale, Sharciga Somaliya u yaala ayaa dhigaya haddii muwaadin Somaliyed la soo eedeeyo inuu helo garsoor cadaalad ah, sidoo kalena wax ka badan 48 saacadood inuusan xirnaan Karin, haddii aanan loo baahan waqti dheeri ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com