Waddooyinka magaalada Muqdisho oo saaka u xiran fal sabab (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaana ku sugan gaadiid iyo ciidamo farabadan oo la sheegay inay adkeynayaan amniga.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa loo sababeeyay ka feejignaanta amni darro, iyadoo maanta ay magaalada Muqdisho ka dhaceyso Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 74-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xiritaanka waddooyinka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay tahay mid lagu adkeynaayo amniga, maadaama Munaasabada ay ka qeyb galayaan Mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo).

Mas’uuliyiinta ka qeybgali doonta munaasabada ayaa waxaa kamid ah Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha ammaanka dalka.

Munaasabada ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeedin doona Madaxweyne Farmaajo iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana dhammaantood la filayaa in ay ka hadlaan dhibaatada uu soo maray Booliska iyo guulaha hadda uu gaaray Booliska Soomaaliyeed.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka Magaalada la dhigay ciidamo badan oo sugaya amniga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com