Wiil uu dhalay Gadaffi oo isku soo taagay xilka madaxweyne ee dalka Liibya  

Muqdisho (Caasimada Online )- Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa dalka Liibiya waxaa musharaxiinta heerka Madaxweyne ee dalkaasi kamid noqon doona wiil uu dhalay Madaxweynihii geeriyooday Liibya Gadaffi.

Wiilkani kamid noqon doona Musharaxiinta Libya ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Saif al-Islam Gadaffi, waxaana musharaxnimadiisa Saxaafada la wadaagay Afhayeen u hadlay qoyska Gadaffi.

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Basem al-Hashimi al-Soul ayaa sheegay in Saif al-Islam Gadaffi, wiilkii hoggaamiyihii hore ee Liibiya uu u tartami doono doorashooyinka madaxtinimada.

Waxa uu Mr Basem al-Hashimi al-Soul sheegay in musharaxa Saif al-Islam uu xiligaan heysto taageerada iyo awooda looga baahan yahay in lagu soo afjaro rabshadiha ka dhacay Liibiya.

Waxa uu tilmaamay inuu yahay qunyar socod aan lamid aheyn aabihii dhalay ee u geeriyooday sii heesashada Kursiga, waxa uuna ku celceliyay in Saif al-Islam uu dawo u noqon doono rabshahadaha ka dhaca Libya tan iyo markii la afganbiyay aabihiis Muammar Gadaffi 2011.

Nuqul kamida haddalka Afhayeenka oo ay xiganayeen wakaaladaha iyo wargeysyada ayaa ahaa “Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiilkii madaxweynihii hore ee Liibiya, ayaa haysta taageerada qabiilooyinka waaweyn ee Liibiya si uu ugu tartamo doorashooyinka madaxtinimada ee soo socda 2018,”

Sidoo kale, Al-Soul ayaa sheegay in qorshaha olalaha ay isugu diyaarinayaan doorashada dhawaan la bilaabi doono.

Dhinaca kale, dalka Liibiya ayaa waxaa ka jira dowlad aan rasmi aheyn taa oo la tiiceysa nabadgelyo-xumo iyo awood aan fadhin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com