CC Shakuur oo shaaciyey ‘3 ujeedo oo Farmaajo ka leeyahay’ shirka Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu saddex ujeedo ka leeyahay shirka uu iclaamiyey inuu 15-ka Febraayo ka dhaco magaalada Garoowe

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku yiri “Shirka uu Madaxweynihii hore Farmaajo soo tuuray, koox ka mid ah beesha caalamkana la wadaan wuxuu ku doonayaa:- 1- In uu ku moodo Shirka maanta Golaha Amaanka ee Soomaaliya looga hadlayo.  2- In uu Galmudug iyo Puntland iska hor keeno. 3- In uu tusiyo in uu weli madaxweyne yahay.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaanse rajaynayaa in Puntland ay fahmi karto fitnada Farmaajo, diktatoor dhacayna fursad siin doonin.”

Shirkan ayaa imanaya ayada oo gogoshii shirka Dhuusamareeb 4 aan si rasmi ah loo xirin, islamarkaana markii uu Farmaajo kasoo tegayey uu wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe sheegay in dib la isugu laabaan doono marka uu Farmaajo ka qeyb-galo kulankii xildhibaanada.

Waxaa muuqata in Puntland ay ku aragti noqotay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo iska diiday shirkaas.

Qoraal kasoo baxay Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.”