Puntland oo ka hor-timid in Garoowe lagu qabto shirkii uu FARMAAJO ku baaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaan lagala tashan shirka uu madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sheegay in lagu qabanayo Garoowe.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayey sidoo kale ku sheegtay inay door bideyso in shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana laga qeyb-geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, maadama uu dhamaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka.

“Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Garoowe.

Warka kasoo baxay Puntland ayaa weji gabax ku noqonaya madaxweyne Farmaajo, oo markii horeba la rumeysnaa in sababta uu shirka u geeyey Garoowe, ay tahay inuu ka fogeeyo beesha caalamka oo qorsheyneysay in shir ay goobjoog ka tahay lagu qabto Muqdisho.

Dhinaca kale, ilo-wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa Caasimada Online u sheegay in intii Madaxweyne Farmaajo wada hadlayeen isaga iyo Madaxweyne Deni ay ka war heleen in shirku uu ku dhawaaqay inuu ka dhacayo Garoowe, taasna ay lama filaan ku noqotay, taasi oo keentay inay iska diidaan.

Sida muuqata, madaxweyne Farmaajo ayaan huri doonin in shirkan uu ka dhaco Muqdisho, waxaana suurta-gal ah inuu noqdo shir ballaaran oo laga qeyb geliyo dhinacyo badan, oo markii hore aan qeyb ka aheyn.