Ciidamo fara badan oo lagu daadiyey magaalooyinka SOMALILAND + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidanka Booliiska ay xoojiyeen amniga deegaanada maamulkaasi.

Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo dheeraad ah ay dhigtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka bilaabay howl-gallo guud oo amniga lagu xaqiiijinayo.

Ciidamada Booliska ayaa baaritaano kala duwan ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka, iyada oo sidoo kale ciidamadu ay su’aallo ay weydiinayaan dadka qaar.

Sidoo kale waxaa magaalooyinka ciidamada la dhigay oo ay howl-gallado ka socdaan ka mid ah Burco, Laascaanood iyo Boorama.

Booliska Somaliland oo wata gaadiidka ciidamada ayaa lagu arkayey waddooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi, iyaga oo wada dhaq-dhaqaaqyo cusub.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya u jeedka ka dambeeya ciidamada lagu soo daadiyey magaalooyinkaasi, wuxuuna taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer G/S Maxamed Faarax u sheegay wariyeyaasha in howl-galladan looga hortegayo falalka amni darrada ah.

“Wax dhib ah oo nagu soo kordhay ma jiraan, laakiinse waa ka hortag waxyaabaha ay wadaan meelahaa jaarkeena ayay hawlo iyo wax ka jiraan dareen aanu qabno ayaanu u sii xoojineynaa,” ayuu yiri taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer.

Warar kale oo aan helanay ayaa ku warramaya in sababta loo xoojiyey ammaanka deegaanada Somaliland  ay tahay u diyaar garowgaq doorashada maamulkaasi.

Somaliland ayaa waxaa lagu tilmaamaa meelaha ugu amniga wanaagsan dalka, waxaana ciidamadeeda ay xoojiyeen howl-gallada lagu sugayo nabad-geylyada.