CC Shakuur oo shaaciyey guul Soomaaliya ugu jirta inay Itoobiya ka baaqato shirka IGAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal ka soo saaray go’aanka Itoobiya ay uga baaqatay shirka IGAD ee 18-ka bishaan ka dhacaya dalka Uganda ayaa sheegay in Soomaaliya ay go’doon siyaasadeed gelisay Itoobiya.

“In Itoobiya ay ka meeraysato shir-madaxeedkii IGAD ee ay Soomaaliya dalbatay waxay guul u tahay Soomaaliya, waxayna go’doon gelinaysaa Itoobiya,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale CC Shakuur wuxuu sheegay in Itoobiya uu ku dhacay gablan diblomaasiyadeed, maadaama ay maanta ka carareyso ururkii ay ugu miiska weyneed ee IGAD.

“Waxaa kaloo cadayn u ah gablanka ku dhacay diblomaasiyada Itoobiya in IGAD oo ahaan jirtay madal ay ka atoorayso ay maanta ka dhuumanayso,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Abiy Axmed uusan maanta awood u laheyn in xoog uu ku qabsado taako ka mid ah dhulka Soomaaliya.

“Waa Alle mahadii in uusan Abiy maanta lahayn tabar uu taako dhulkeenna ku qaato,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu farriin u diray madaxda dowladda federaalka, isagoo kula taliyey labo arrin oo kala ah:

1 – In mudnaan la siiyo midnimada gudaha.

2 – Iyo inay madaxdu soo xulato dad aqoon u leh kasbashada gudaha.

“Dawlada waxaa laga rabaa in ay mudnaanta siiso midnimo gudaha ah, dadkana ku xulato karti iyo aqoon lagu kasbado dunida, loogana garnaqsado fagaarahaasha caalamiga ah,” ayuu yiri CC Shakuur.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mareysa heer xasaasi ah, waxaana la sugayey waxa ka soo bixi doona shirka IGAD, balse Itoobiya ayaa galabta shaacisay in shirkaas aysan ka qeyb geli doonin.