CC Shakuur oo shaaciyey in maanta lagu xayiray garoonka Aadan Cadde

Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ahaa wafuudii maanta tegtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyey safarkii uu ku gaaray halkaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiista Faceboook-ga ayaa xaqiijiyey in isaga iyo wafdigiisa xayiraad kooban ay kala kulmeen maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ka hor inta aysan u duulin garoonka magaalada Kismaayo.

“Kismaayo ayaan soo gaarnay, ka dib xayiraad kooban oo aan maanta kala kulanay aniga iyo wafdigayga garoonka diyaaradaha Aadan Cade.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ma shaacin siyaasigu cida kula dhaqaaqday falkaasi, waxaana xusid mudan in isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ay wada raaceen hal diyaarad.

Hoggaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Deni iyo marti shafar kale oo ka qeyb galeysa xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com