Mahad Salaad oo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ciidan u doontay Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay safarka uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya ku aaday dalka Itoobiya.

Xildhibaanka oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ciidan u goobtay Itoobiya, kadib markii siyaasiintii xilkaska ahaa Kismaayo iska xaadiriyeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Farmaajo oo Itoobiya ciidan u goobtay kadib markii siyaasiintii xilkaska ahaa Kismaayo iska xaadiriyeen!.” ayuu yiri Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Ma faah faahin Xildhibaanku waxa uu kala jeedo ciidanka uu sheegay inuu doontay Madaxweynuha, iyadoona Villa Soomaaliya ay sheegtay in Farmaajo uu Itoobiya uga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD oo dhowaan ka furmaya gudaha dalkaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta inta badan xubnaha mucaaradka ku ah dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ay gaareen magaalada Kismaayo, si ay uga qeyb galaan xafladda caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com