Video: Beyle oo si kulul ugu jawaabay warbixintii uu soo saaray hanti-dhowrka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka hadlay lacag gaareysa 18 milyan oo lagu sheegay warqad ka soo baxday hanti dhowrka guud ee qaranka in lagala baxay qasnadda dowladda walow uu dib ka beeniyay maanta.

Wasiir Beyle ayaa sheegay  in aysan jirin lacag sifo qaldan uga baxday qasnadda dowladda, isla markaana ay dhamaan liis gareysanyihiin ilaha kala duwan lacaguhu  ay ka soo galaan dowladda.

Beyle ayaa ku eedeeyey Hanti dhowrka qaranka in aanu wax xiriir ah lasoo sameyn si uu wax ugu weydiiyo lacagaha, wuxuuna ka dalbaday in ay ka wada fariistaan arintaas si uu ugu soo bandhigo diiwaanka lacagaha ee wasaaradda maaliyadda dalka.

Hadalka wasiir Beyle waxa uu ku soo aadayaa iyadoo hanti-dhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye oo maanta Muqdisho kula hadlay warbaahinta uu sheegay in warbixintii uu shalay soo saaray oo ku saabsaneyd warbixin sanadeedka 2018-kii si qaldan loo fasirtay lagana been sheegay warbixintiisa.

“Warbixintii aan soo saaray dad dano gaar ah leh ayaa si gaar ah u fasiray, kuma jirin lacago la lunsaday.”ayuu yiri Afgooye mar uu maanta shir jaraa’id qabtay.

Hanti dhowrka oo sii hadlayay ayaa yiri, “Adduunka oo dhan ayay ka jirtaa markii warbixinada noocaan oo kale ah la soo saaro in si qaldan loo fasirto lagana faa’iideysto,waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed iyo Warbaahinta in ay warbixinta u akhristaan si dhameystiran”.

Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com