DF Soomaaliya oo u yeertay safiirka Kenya ee Muqdisho, kana dalbatay JAWAAB

Muqidsho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Muqdisho Lt. General (Rtd) Lucas Tumbo, si loogu gudbiyo cabasho ka dhan ah dowladdiisa, waxaa sidaas lagu sheegay qoraal caawa kasoo baxay wasaaradda.

Tumbo ayaa xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee Muqdisho kula kulmay wasiiru-dowladda arrimaha dibedda Cabdulqaadir Axmed Kheyr Cabdi, oo u dhiibay cabasho ka dhan xadgudub ay diyaarad Kenyan ah ku sameysay hawada Soomaaliya, 5-tii October.

Diyaaradda, oo sidday siyaasiyiin Soomaali ah oo ka yimid Nairobi, ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha Kismaayo, ayada oo aan wax fasax ah oo rasmi ah ka haysan dowladda Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay aad uga soo horjeeddaa xadgudubkan, mana aqbali doonto xadgudub kasta oo lagu sameeyo xuduudaheeda hawada, badda iyo dhulka” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

“Soomaaliya waxa ay ka dooneysaa Kenya inay ka jawaabto xadgudubkan, xilli ciidamadeeda jooga gobolka Jubbada Hoose, ay qeyb ka yihiin Amisom” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxay ficilkan u aragtaa mid burinaya mabaadi’ida deris wanaagga iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com