Iskaashatada Shaydaanka: Sida Aaran Jaan sharciyada Puntland ugu tumaneyso

Tan iyo markii madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu soo bandhigay buug uu qoray uuna ku tilmaamay kooxda Aaran Jaan “iskaashatada shaydaanka”, waxaa warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada ku batay hadal haynta kooxdaan. Hase yeeshee waxaa jirta in aqoonta inta badan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland u leeyihiin kooxdaan ay tahay mid ku kooban xogta kooban ee lagu qoro baraha bulshada ama mareegaha internetka. Haddaba waxaan jeclaystay in aan qormadaan si kooban ugu soo bandhigo falalka gurracan ee ay kooxdaan ka waddo gudaha Puntland waqti xaadirkan, si aan ugu baraarujiyo dadka reer Puntland halista kooxdaan iyo sida ay caqabad ugu yihiin nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Aan ku bilaabee, Waa dad noocee ah kooxda Aaran Jaan?

Aaran Jaan waa koox tobaneeyo nin ah oo daneystayaal siyaasadeed ah ‘interest group’, deegaan ahaanna ka soo jeeda magaalada Garowe. Waxa ay ku caan baxeen raadinta saameyn siyaasadeed oo ay u adeegsadaan dano dhaqaale, sida in ay helaan mashaariicda dowladda ama ay boobaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Puntland iyaga oo adeegsanaya shaqaale hoose oo ay iyagu ka dambeeyaan in lagu soo magcaabo digreeto madaxweyne. Shaqaalahaas badankoodu waxa ay joogaan waaxyaha maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan, waana dadka xogta rasmiga ah ka haya dhaqaalaha ku soo dhaca akoonada xarumahaas.

Sida ay sheegaan dadka aqoonta u leh kooxdaan, waxa is xulafaysigoodu bilowday waqtigii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa Cadde Muuse. Bilowgii kooxdaan kuma jirin cid leh aqoon sare, waayo aragnimo dowladeed ama dhaqaale badan. Balse hadda waxa ay ka mid yihiin dadka ugu hantida badan Puntland gaar ahaan magaala madaxda Garowe. Sidoo kale badankoodu waxa ay hanti badan oo ma guurto ah iyo ganacsiyo ku leeyihiin dalka dibaddiisa. Hantidaas oo badankeeda ay si aan sharciga waafaqsanayn u aruursadeen muddadii ay galaangal ka ku lahaayeen maamulka Puntland, gaar ahaan waqtigii madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Kooxdaan waxa ay kaalin mug leh ka qaateen in doorashada Puntland uu ku guuleysto Madaxweyne Siciid Cabddullaahi Deni iyaga oo la galay ballanqaad ah in haddii uu guuleysto uu iyaga uga dambeeyo howlaha dowladdiisa. Waana ta keentay in labada nin ee hoggaamiya kooxdaan oo kala ah: Xasan Shire Abgaal iyo Maxamuud Mashruuc ay kala noqdaan Wasiirka Maaliyadda iyo lataliyaha ugu muhiimsan ee Madaxweyne Deni.

Haddaba muddada sagaalka bilood ah ee ay jirtey xukuumadda Madaxweyne Deni, kooxda Aaran Jaan ama iskaashatada shaydaanka waxa ay sameeyeen waxyaabo badan oo tumasho ku ah sharciga iyo dowladnimada Puntland, waxaana tusaale ahaan ka mid ah:

1. In qof xildhibaan ah uu ahaado agaasime waaxeed wasaarad: Cabdirisaaq Xasan Ciise oo ah agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaaradda caafimaadka Puntland ayey Aaran Jaan ka caawiyeen in uu helo xubinta baarlamaanka Puntland ee beeshiisa, kadib markii uu ku guuleysteyna wuxuu kala shaqeeyey in uu soo baxo madaxweyne Deni. Cabdirisaaq ilaa hadda labadii shaqo waa isku wadaa! Taas oo macneheedu tahay in wasiirka caafimaadka shaqaalaha uu maamulo uu ka mid yahay xildhibaan xasaanad leh oo shaqadiisa runta ah ay tahay in uu wasiirka la xisaabtamo! Miyaaney ahayn dano is diidan ‘conflict of interests’ iyo isku dhex milmid laamihii dowladda ee shaqaalaha rayidka ‘civil service’ iyo sharci dejinta?

2. In xildhibaano shaqadoodu ahayd la xisaabtanka xukuumadda ay saf u galeen soo dhoweynta wasiirka maaliyadda xilli uu airport ka Garowe ka soo degey kadib safar dano shakhsi uu ugu maqnaa dalka dibaddiisa. Wasiir Xasan Shire wuxuu soo dhoweyntaan u adeegsaday koox guul wadayaal u ah iyo laaluush uu siiyo xildhibaannada. Tanina miyaaney ahayn isku dhexyaac waaxda sharci dejinta iyo waaxda fulinta ah?

3. Kooxda Aaran Jaan, gaar ahaan Maxamuud Mashruuc oo dadka reer Puntland u yaqaaniin ‘Macallin Maxamuud’ waxa uu hadda ku howlan yahay sidii uu markale u laaluushi lahaa qaar ka mid ah baarlamaanka Puntland si ay mooshin uga keenaan xil ka qaadisna ugu sameeyaan guddoomiya baarlamaanka, Cabdixakiin Dhoobo, si loo sii wiiqo awoodaha baarlamaanka loogana dhigo hay’ad magac u yaal ah oo aan wax isla xisaabtan iyo dabagal ah ku samayn karin hay’adaha fulinta ee dowladda Puntland. Waxaase la yaab ah in Madaxweyne Deni uu ku doodayo in taageeradiisa madaxweyne Axmed Madoobaha Jubbaland ay mabda’ ahaan salka ku hayso in uu ka soo horjeedo in dowladda federaalka ah ay farageliso doorashooyinka maamul goboleedyada oo ay keensato qof ay iyadu wadato, halka uu isagu burburinayo hay’addii sharci dejinta dowladdiisa si uu u keensado shakhsi ku shaqeeya isaga iyo Aaran Jaan rabitaankooda. Tani miyaaney daliil u ahayn laba wejiilaynta dowladda Puntland ee ay majaraha u hayaan kooxda Aaran Jaan.

Kooxda Aaran Jaan waa koox eegta keliya dano shakhsiyeed, isticmaasha hantida dadweynaha ay ka boobaan si ay ugu kala laaluushaan, adeegsatana beerlaxawsi qabiil si ay dadka u kala qaybiyaan, isuguna bahalo geliyaan. Wax dan ahna kama laha horumarka Puntland. Qofkii u sii fiirsada falalka gurracan ee kooxdaan waxa u soo baxaysa in ay yihiin koox halis badan oo khatar ku ah sii jiritaanka dowladnimada Puntland iyo tan Soomaaliyeed guud ahaan. 

Waxaa la joogaa waqtigii dadka reer Puntland ay hurdada ka kici lahaayeen oo ay ka sifeyn lahaayeen kooxdaan dulinka ah gudaha dowladda si ay u ilaashadaan hantidooda iyo sarraynta sharciga.

Wabillaahi Towfiiq

W/Q: Abdi Isse
Columbus, Ohio

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid