CC Shakuur oo shaaciyey khatar la xariirta Al-Shabaab oo Muqdisho kasoo wajahan

Djibouti (Caasimada Online) – Ergayga arrimaha bini’aadanimada Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dalka Jabuuti uga qeyb gelaya shir uu soo qaban-qaabiyay Machadka Heritage ayaa ka jeediyey khudbad ku saabsan doorka amni darrada ee dadka barakacayaasha ah. 

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kaamamka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ay soo buux-dhaafiyeen dad aan heysan wax ay noloshooda ku maareeyaan, kuwaas oo dowladdu aysan la socon dhaqdhaqaaqooda iyo xaaladaha ku soo kordhaya.

Cabdiraxmaan ayaa ku dooday in dadkaas looga faa’iideysan karo duruufaha heysta.

“In ka badan labo milyan oo Soomaali ah ayaa abaaraha ka soo qaxday, waxay deegaameysteen hareeraha Muqdisho, Baydhaba iyo magaalooyin kale, mana jirto cid ka war-qabta waxay noloshooda ku maareeyaan oo mararka qaar amni darro la geli karta,” ayuu yiri.

Ergeyga ayaa sheegay in dagaalka Al-Shabaab aan looga maarmeyn in la xiro halka ay iska soo abaabuli karaan, sida inay helaan dad shaqo la’aan ah oo duruufaha heysta ay uga faa’iideystaan.

“Xal u helida arrimaha barakacayaasha iyo cimillada sii xumaaneysa ayaan yoolka koowaad ka dhigan lahaa, kan labaadna dagaalka Al-Shabaab,” ayuu yiri.

“Labada milyan iyo sagaalka boqol ee soo barakacday uma laabanayaan beerihii iyo dhulkii miyiga ahaa, sababtoo ah meel ay u laabtaan malaha oo beero ma jiraan, marka waxaan qabaa in arrinta barakacayaasha ay Shabaabka ka culustahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Shirkaan Jabuuti ka socda ayaa looga hadlayaa arrimaha cimillada sii xumaaneysa ee dunida, wuxuuna sheegay Cabdiraxmaan in hadii wax laga weydiiyo qorshe howleedka ugu horeeya ee la wajahayo uu ka dhigi lahaa tan cimillada, gaar ahaan arrimaha deegaanka iyo xal u helida barakacayaasha.

Wuxuu intaas ku sii daray in Soomaaliya ay tahay wadanka ugu magaaloobi og Afrika, “Dadkii miyiga waa kasoo tegaayaan, magaaladiina waxaba kuma heystaan, meesha dhibka dhan uu ka taagan yahayna waa halkaas,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo