CC Shakuur oo war kasoo saaray xiisadda Beledweyne, shaaciyeyna arrimo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee ka dhalatay doorashooyinka maamulkaas.

Cabdiraxmaan ayaa ugu horeyntii xiisada gobolka Hiiraan la xiriiriyay dowladda federaalka, maadama uu sheegay inay hore iskaga dhago tirtay baaqyadii mucaaridka ee ahaa in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka HirShabeelle.

“Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay. Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Waxa kale oo uu sheegay in arrinta ka aloosan gobolka Hiiraan ay tahay mid tusaale cad oo horudhac ah u ah mugdiga kusoo wajahan dalkeena, isagoona ku baaqay in si wada-jir ah xil la iskaga saaro xal u helida mushkilada gobolka Hiiraan, iyada oo laga fogaanayo ficil kasta oo dab kusii shidi kara xiisada taagan.

Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu dowladda federaalka ku eedeyay inay fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee ku noola maamulada Jubbaland iyo Galmudug, isla markaana ay dalka ka abaabulayaan doorasho boob ah, sida uu hadalka u dhigay

“Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna. Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya.”

“Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan,” ayaa ku yiri qoraalkiisa. 

Ugu dambeyntiina waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan sidii looga hortegi lahaa fidno uu sheegay inay wado xukuumadda muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo.