Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku dhawaaqay in xukuumada Soomaaliya ay la wareegtay dhameystirka shirka dib u hishiisiinta ee ka soconaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.
Ra’iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay goobta shirkaasi uu ka socdo ayaa sheegay in xukuumada ay taageero dhaqaalo ku bixin doonto sidii loo dhameyn lahaa shirkaasi ka socda magaalada Dhuusomareeb.
Wuxuu sheegay in sidoo kale inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loogu gudbi lahaa dhismaha maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Sharma’arke oo maalintii shalay tagay magaalada Dhuusomareeb ayaa kulamo kala duwan la qaaday qeybaha kala duwan dadka ku dhaqan magaaladaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

