Ceynte oo jawaab kulul ka bixiyey hadalladii Gedo ‘ee naceybka iyo banneysiga dhiigga muslimka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeybo ka mid ah gobolka Gedo waxaa maanta ka dhacay banaanbax uu soo abaabulay maamulka taabacsan dowladda federaalka, kaas oo lagu taageerayey madaxweyne Farmaajo, islamarkaana looga soo hor jeeday war-mirtiyeedkii dhawaan ka soo baxay shirkii midowga musharaxiinta madaxweynaha dalka.

Dadkii dhigayey banaanbaxaas ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah musharaxiinta doorashada soo socota kula loolamaya madaxweyne Farmaajo, waxaysa ugu darneyd markii nin ka mid ah dadkaas uu midowga musharaxiinta ku tilmaamay “kuwo gaaloobay oo ay banaan tahay in la dilo,” iyadoo dadka kalena ay u sacab tumayeen.

Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte oo ka fal-celiyey hadalka ninkaas ayaa sheegay in arrintii maanta ka dhacday gobolka Gedo aysan waxaba ka duwaneyn ficillada Al-Shabaab.

“Hadalkan naceybka iyo banneysiga dhiigga Muslimka wata ee maanta looga dhawaaqay Gedo waa mid ka arradan tilmaamaha toolmoon ee Diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaalida. Wuxuuna halis ku yahay geeddi socodka nabadda iyo dibu dhiska dalka. Waxba kama duwana habdhaqanka kooxda argagixisada ah ee Shabaab,” ayuu yiri Ceynte.

Ceyte oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hadalkan uu u qaab egyahay kii maalin ka hor uu Muqdisho ka jeediyey guddoomiye Cumar Filish.

“Maalin dhaweydna hadalkaas mid shabbaha waxaa jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Benadir, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxuu sheegay in dowladnimada Soomaliya ay god dheer ku sii dhaceyso hadii dowladda federaalka ay ku lug yeelato abaabulka banaanbixii maanta madaxda mucaaradka lagu gaaleysiiyey.

“Haddii ay dhab noqoto in qaar kamid ah madaxda dalku ay abaabulkaas ka dambeeyaan, waxaa hubaal ah inay bohol dheer ka tuuraayaan dowladnimadii lasoo dhisayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay. Haddiise aysan colaad abuurkan ku lug laheyn, waxaa la gudboon inay iska fogeeyaan, isla markaana abuuraan jawi ka duwan midka hadda jira. Sida ugu fudud ee loo abuuri karo jawigaas waa inay la fariistaan musharrixiinta, heer kulka siyaasaddana hoos u dajiyaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ceynte.

Hoos ka Daawo muuqaalka ninka